X
    Categories: Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Oo Qaabilay Wefdi Uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE

Araweelo News Network

Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu

Addis Ababa(ANN)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku tagay dalka Itoobiya, ayaa meeqaam heer sare ah oo diblumaasiyadeed loogu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu Iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee KULMIYE Muj. Maxamed Kaahin Axmed

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo weftigiisa oo gaadhay magaalada Addis Ababa shalay galab, ayaa madaarka diyaaradaha ee caasimadda Itoobiya lagaga galbiyey gaadiidka loogu talogalay in lagu qaado diblamaasiyiinta maamuuska sare leh, iyadoo markiiba uu gudo galay hawlaha shaqo ee uu u tagay halkaasi iyo kulamo kala duwan oo uu la qaatay madax ka tirsan dawladda Itoobiya.

Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu oo wadahadal ay yeesheen ay ku falanqeeyeen qodobo ay ka mid yihiin; jaar-wanaagga, xoojinta arrimaha iskaashiga labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland iyo sidii loo sii adkayn lahaa wadashaqaynta xoojinta ammaanka labada dhinac iyo guud ahaan gobolkaba, kuwaas oo ay si fiican iskugu afgarteen.

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE waxa weftigiisa xubno ka ah Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, Siyaasi Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha gaarka ah ee Murrashaxa KULMIYE Mr. Mubaarik Ismaaciil Taani.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post