Araweelo News Network
Stockholm (ANN)Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ku sugan Dalka Sweden, ayaa kulan la qaatay qurbajooga Somaliland ee ku nool dalkaa, wuxuuna ugu baaqay inay ka qayb qaataan gurmadka abaarta.
Dr. Sacad, wuxuu warbixin kooban oo la xidhiidha xaalada abaarta, ku booriyay muwaadiniinta kasoo jeeda Somaliland ee ku sugan dalka Sweden iyo dhamaan quraba jooga inay u gurmadaan dadka ku waxyeeloobay abaarta ee dhibaatadu kasoo gaadhay, kuwaas oo uu sheegay inay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.
Halkan ka Daawo.