X
    Categories: Warar

Wasiir Xagla-Toosiye Oo Laga Soo Caydhiyay Buuhoodle

Hargeysa(ANN) Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xagla-Toosiye ayaa laga soo caydhiyay Magaalada Buuhoodle. Kaddib markii socdaal uu ku tegey halkaa todobaadkii hore, iyadoo kooxda Cali Khaliif Galaydh oo hore ugu sugnayd deegaankaa uu ugu baaqay inay magaalada ka baxaan.

Balse dhawaaqa Dr. Saleebaan Xagla-toosiye ayaa noqday hanjabaad aan soconayn, taas oo aanay Kooxda Cali Khaliif Galaydh ka jawaabin waqtigaa, iyadoo dadka siyaasada falanqeeya ku tilmaameen mid Xagla-toosiye iyo Galaydh ay isla og yihiin, isla markaana aanay ka jawaabayn Kooxda Galaydh ilaa inta kharashka Dr. Xagla-Toosiye ka helayo dhinaca xukuumadda Somaliland

Ninka ugu magcaaban Kooxda Khaatumo Wasiirka arrimaha Guddaha oo lagu magcaabo Keyse Cabdi Yuusuf oo hore Xukuumadda Somaliland xil ugu dhiibtay, isla markaana lacago malaayiin ah ku kharashgaraysay, balse ku laabtay kooxdiisii Khaatumo ayaa ugu hanjabay Dr. Saleebaan Xagla-Toosiye inay tallaabo ka qaadayaan haddii aanu si deg deg ah uga bixin Buuhoodle.

Sidoo kale Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda buuhoodle oo ka mid ah kuwa ugu tunka weyn bulshada deegaanka ayaa iyaguna ugu hanjabay Wasiirka Caafimaadka Somaliland inuu deg deg uga baxo Buuhoodle, taas oo khasab ku noqotay in Dr. Saleebaan Xagla-Toosiye kasoo baxo shalay Magaalada Buuhoodle, isagoo firxadkii kusoo galay saaaka magaalada Hargeysa.

Dr. Saleebaan Xagla-Toosyie waa aasaasihii kooxda Khaatuymo ka hor intii aanay Xukuumadda Somaliland soo xero gelin dhawr sanadood ka hor, waana masuulkii u horeeyay ee kasoo jeeda deegaanka oo Somaliland xil ka haya oo gala magaalada Buuhoodle tan markii Somaliland la aasaasay 18 May 1991, xukuumaddihii soo maray Somaliland marka laga reebo Allah ha u naxariistee Axmed Aadan Qaybe oo ahaa siyaasi ruugcadaa dublamaasi oo ahaa guddoomiyihii golaha Wakiiladda Somaliland oo booqday Buuhoodle oo uu deegaan ahaan kasoo jeeday horaantii sanadkii 2,000, isagoo xiligaa ahaa guddoomiyaha golaha Wakiiladda.

qaybo kale qaabka uu Dr. xagla-Toosiye ula macaamilo Somaliland oo ka duwan qaabkii ay siyaasiyiintii hore ee deeganadaa kasoo jeeday ee dhinaca Somaliland kuwa hadda jooga ee xilalka haya kala soco qaybo kale Araweelo news Network  halkan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post