Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Miyiga marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare waa mid ka mid ah haweenka reer Somaliland ee door mug leh ka soo qaatay ilaalinta degaanka iyo siyaasadda qaranka.
Marwo Shugri Baandare, waxa ay si xeel dheer uga warbixisay sooyaalkeedii nololeed, taariikhda ay soo martay, waxqabadkii ay bulshadeeda u fidisay iyo weliba qaabka ay uga faa’iidaysay aqoontii ay mudada dheer soo baranaysay.
Wasiirka Degaanka marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare waxa ay ka mid noqotay xubnaha loo xushay inay ka mid yihiin hal-doorka Somaliland ee saamaynta togan ku dhex leh bulshada, waxayna dhinacyo badan leh ay siisay barnaamijka ku dayo muwaaddinka dantaada guud wax weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay ee uu soo agaasimay aqoonyahan Rashiid Sulub Caalin.
“Waxa aan ku dhashay Cusbitaalka Guud ee Hargaysa, waxaan ka baxay iskuulkii Riis, kadib magaalada Burco ayaan boodhinka ka galay, markaan dhammeeyayna magaalada Muqdisho ayaan nursing (kalkaaliso caafimaad) ka galay, iyadoo ay macallimad noo ahayd Ilaahay ha daayee Drs. Edna Aadan Ismaaciil, markaannu meel fiican ka gaadhnayna waxay keentay inaannu ku shaqayno. Waxa kaloo shaqadani noo sahashay inaannu helno (waxbarasho) kale oo aqoontayda kaabay. Markii hore waxaan bartay kalkaalisonimada iyo umuliso-nimada, ilaa markii dambe aan gaadhay heer jaamacadeed, inkasta oo aan markii dambe u leexday dhinaca maamulka,” ayey tidhi wasiir Shugri Baandare oo ka hadlaysay sooyaalkeedii waxbarasho.
Iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay intaa raacisay, “Waxaan muddadaas ka soo shaqeeyay dalal badan, sida Maraykanka, Carabaha, Soomaaliya iyo Somaliland oo aan waqtiga ugu badan aan ku qaatay. Waxaan ka mid ahaa Komishankii Doorashooyinka Somaliland ee maamulayey doorashooyinkii ugu horreeyey ee ka dhacay Somaliland (Doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005 iyo tii Madaxtooyada ee 2003). Sidoo kale, wax badan ayaan ka soo qabanay doorka haweenka ee ka-qaybgalka saaxadda siyaasadda dalka.”
Marwo Shugri Baandare oo la weydiiyey inay sawir buuxa ka bixiso xaaladda eegaanka Somaliland, maadaama ay tahay Wasiirka Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, waxa ay ku jawaabtay; “Innagu waxaynu ka mid nahay dawladaha ugu nasiibka badan caalamka ee leh badda, berriga, buurihii iyo bannaankiiba ee intaasiba yihiin kuwo wax laga qabsan karo. Qarnigii ugu dambeeyay werwerka deegaanka laga qabo wuu isa soo tarayay, taasoo ku xidhnayd heerka ilbaxnimo ee dadyawga adduunka. Waxaynu ku tilmaamanahay dhulka qalalan ee ku dhow saxaraha (semi-desert), waxaanad arkaysaa in degaankeennu daryeelkii uu innaga mudnaa aynaan siin.
Wasaaraddan aan ku magacaabanahay waa mid ballaadhan oo koobsata degaankii iyo miyigaba, waxayna wada-shaqayn mug leh la leedahay wasaarado badan, sida Wasaaradaha Beeraha, Biyaha, Xannaanada Xoolaha, Khayraadka Badda. Waxa kaloo shaqada wasaaraddan soo gelaya wax kasta oo ah wixii qashin ah ee warshaduhu soo saaraan, wasakhowga ay sababaan gaadiidkan tirada badan ee dalkeenna la keeno.”
Wasiirka oo ka jawaabaysay sida loo dhalan-rogay seerayaasha oo markii hore looga dan lahaa in xilliyada abaarta xoolaha lagu badbaadiyo, haatanna looga dhigay ceshiimooyin aan dalag ka soo bixin oo si sharci-darro ah looga ooto xoolaha iyo dadka iyo sida ay wasaaraddeedu ula tacaalayso arrimahaas, waxa ay tidhi; “Runtii seerayaashu waxay ahaayeen dhulka lagu baxsado, waxana la odhan jiray seere-xilliyeed kayd u ahayd xoolaha, laakiin waxa isbeddelay habkii loo dhaqmayay ee dawladdu u shaqayn jirtay ee looga baqayay ayaa burburay, waxay markaas noqotay inuu waddanku la jaanqaaday ee dawladduna soo dhismaysay, ummadduna ka hor dhisantay dawladda, waxana taas raaca in markii dawladdu ay u soo jeedsatay ee awood u yeelatay wax-ka-qabashada aafadan ayaa waxaa adkaatay sidii dadkii loola macaamili lahaa, dhulkii seeraha ahaana qofkii ayaaba dhex degay, markaas iyadoo sharciga maanta la sameeyay ayaa haddana caqabadani jirtaa, waayo qofna keligii ma socdo kii xaq darada sameeyay waxaa soo raacaya odayaasha, cuqaasha iyo salaadiintii oo garab ku siinaya gefka uu gelayo.”
Waxa kale oo ay si kooban uga hadashay waxyaabaha ilaa hadda u qabsoomay Wasaaradda ay masuulka ka tahay, “Waxa lambar kow ah sidii wacyiga dadka aannu kor ugu qaadi lahayn, ilaa maalintii aan xilka qabtay taas culays weyn ayaan saaray. Waxa qodobka labaad ah in aannu ku dedaalnay soo saarista wixii shuruuc ah ee shaqadani u baahnayd, waxana guul ah in baarlamankeennu soo saaray sharcigii ugu weynaa ee xannaanaynta duur-joogta, seeraha iyo kaymaha, isla markaana Madaxweynuhu saxeexay oo dhaqana galay. Waxaa kaloo jira wareegtooyin Madaxweynuhu soo saaray oo door waxtar leh ka qaadanaya badbaadinta degaanka.”
“Waxaa kaloo Wasaaradda Degaanku maanta leedahay siyaasaddii ay ku shaqaynaysay oo dhammaystiran, taas oo dhawaan ay noo qorshaysan tahay in aannu hor geyno Golaha Wasiirrada. Sidoo kale, waxa baarlamanka Somaliland horyaal shuruuc badan oo wax ka taraysa badbaadinta degaanka iyo fayo-qabkiisa. Seerayaal badan ayaa iyana la banneeyay. La iskama odhan karo waa waxqabad wax-ku-ool ah, laakiin waxa wax-ku-ool iyo inuu midho-dhalay ka dhigay inaannu maanta bicihii khatarta ku hayay degaanka iyo xoolahaba dalka ka mamnuucnay, iyadoo in badan bulshada la fahamsiinayey dhibaatada aan hadhayn ee bacaha balaastikada ah ku leeyihiin degaanka, taasna guul wanaagsan ayaa laga gaadhay.”
Waxa kaloo ay sheegtay in dabar-goynta dhirtu sabab u tahay isbeddelka cimilada guud ahaan dalalka caalamka iyo waddanka Somaliland, iyadoo xustay in arrinta khusaysa dhuxulaysigu ay si gaar ah u taabatay degaanka, halka ay sidoo kale caddaysay in dawladdu ay cashuur-dhaaf u samaysay cid kasta oo dalka keenta shooladaha iyo gaasta wax lagu karsado si hoos loogu dhigo ku-tiirsanaanta dhusha, lana badbaadiyo dhirta.
“Haddii aanad khaladaadkii shalay dhacay dib u eegin maanta waxba ma qaban karaysid, waxaanan doonaynaa in khaladaadka dhinaca degaanka ee dhaca aannu ka wasaarad ahaan ka faa’iidaysano. Degaankeenna waxa si toos ah ugu xidhan dhaqaalaheenna, waxa ku xidhan bulshada, nabadgelyada iyo amnigeenna ayaa si toos ah ugu xidhan oo waad arkaysaan in la isku dilayo degaamayn aan la ogolayn oo dad ku dhimanayo,” ayey tidhi marwo Shugri Baandare.
“Runtii waad miisaamaysaa diin ahaan halka laguu ogol yahay haddii ay Madaxweyne tahay, Madaxweyne-ku-xigeen amma xilalka kale ee qarankaba, markaa inta badan waxa aannu eegnaa waxa diintu noo ogoshay haddii aannu nahay dumarka, diintuna way noo ogoshahay in aannu shaqaysano oo wax qabano, maantase siyaasadda dumar badan ayaa ku jira oo qabana wax wax-ku-ool ah, anniguna hiigsadkaydu mar haddii aan heer Wasiir marayo wixii kale ee aan dalka u qabano karayo ee wax-ku-ool ah diyaar ayaan u ahayn, cid kastana way u furan tahay,” ayey tidhi marwo Shugri Baandare oo ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyey in hankeeda siyaasadeed gaadhsiisan yahay inay Madaxweyne ka noqoto dalka Somaliland.