X
    Categories: Warar

Wasiir Sacad Cali Shire Oo Sheegay In Aanu Jirin Wax Heshiis Saldhig Millateri Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Horgeeyay Labada Gole Ee Baarlamanka

Araweelo News Network

Dr. Sacad Cali Shire wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in aanu jirin wax Heshiis ah oo la xidhiidha Saldhigga Millatari oo Madaxweyne Siilaanyo horgeeyay fadhigii labada gole ee Guurtida iyo Wakiilladu ku yeesheen Hargeysa bishii la soo dhaafay ee February 2017.

sidoo kale, wuxuu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha mudahaharaadkii lagaga soo horjeeday saldhigga Berbera oo laga hor sameeyey safaaradda Imaaraadka Carabtu ku leeyahay magaalada London ee dalka Ingiriiska maalintii Khamiista.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Sacad Cali Shire oo waraysi siiyey telefishanka Saab TV shalay, kana jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida uu u arko mudaharaadkii lagaga soo horjeeday saldhigga millatari ee ka dhacay Ingiriiska, waxa uu caddeeyey in muwaaddiniinta reer Somaliland xaq u leeyihiin inay cabbiraan dareenkooda.

“Qofka muwaaddinka ah wixii uu xaq u leeyahay inuu sameeyo cidna u diidi mayso, laakiin wax walba nidaam ayey leeyihiin, wax walbana waxa fiican in loo meel dayo oo laga fekaro marka hore, muxuu faa’iido keeni karaa, muxuuse khasaare keeni karaa? Waayo taas ayaa wanaagsan in la miisaamo, iyadana lafteedana waxa muwaaddinku leeyahay meelo badan iyo Albaabo badan oo uu ku cabbiri karo dareenka iyo fikirkiisa,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.

Waxa kaloo uu sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo aannu wax Heshiis ah oo khuseeya saldhigga Millatari ee Imaaraadka Carabta horgayn fadhigii labada gole ee Guurtida iyo Wakiilladu ku yeesheen Hargeysa bishii la soo dhaafay ee February 2017.

“Madaxweynuhu codsi ayuu geeyey Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) ee Heshiis ma gayn. Waxa Madaxweynuhu geeyey codsi iyo qodobadda la doonayo inay ku jiraan heshiiska ee lagala hadlayo cidda ina soo weydiisatay saldhigga oo ah dawladda Imaaraadka, wadahadalkiina weli muu bilaabmin,” ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post