Araweelo News Network
Weftigan Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga, ayaa intii aanay gaadhin socdaal ku soo maray deegaanka Yufle ee galbeedka magaalada Ceerigaabo, halkaas oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey wakhti habeenimo ah, waxaana halkaasi kelmado kooban ka jeediyey dadweynaha soo dhaweeyey oo sheegay in ay soo dhaweynayaan wasiirka, ugana mahadcelinayaan weftigiisa boqashada ay ku yimaaddeen gobolka Sanaag, gaar ahaan degaanka Yufle ee gobolkaasi.
Wasiir-ku-xigeenka oo hadal u jeediyey dadweynaha soo dhawayntiisa ka qaybgalay oo tubnaa hareeraha waddooyinka, ayaa uga mahadnaqay sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen, iyadoo markii dambena loo galbiyey dhinaca magaaladda Ceerigaabo, halkaaas oo iyadana si ballaadhan loogu qaabiley oo ay xilli habeenimo ah ku soo dhaweeyey dadweyne tiro badan, kuwaas oo sheegay in ay wasiirka ku soo dhaweynayaan magaalada Ceerigaabo, taageerana u hayaan isaga iyo Xukuumadda KULMIYE-ba.
Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhiga Somaliland Md. Maxamuud Warsame Jaamac oo halkaasi ka hadlay, ayaa u mahadceliyey dadweynaha soo dhaweeyey, kana hadlay ujeedada socdaalkiisa.
“Faraxad Weyn ayey ii tahay in duleedka magaladda Ceerigaabo goor habeenimo ah igu soo dhaweysaan oo wakhtigiina ii soo hurtaan, waxaan u socdaa oo aan gogol-xaadh u ah weftiga ballaadhan ee Madaxweynaha Somaliland ku marayo gobollada bariga dalka, kuwaas oo ku soo wajahan gobolka Sanaag iyaga oo u kuurgeliya xaaladda abaaraha,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.