Sidoo kale waxa xilka la kala wareegay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Wershedaha Mawliid Weris oo xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Wasaaradda, waxayna masuuliyiintaasi xilalka kula kala wareegeen munaasibad saaka ka dhacday xarunta wasaaradda Wershedaha Somaliland ee Hargeysa.
Wasiir ku xigeenka cusub Cali Axmed oo si ku meel gaadh ah usii hayna xilka Wasaaradda iyo Agaasimaha cusub, ayaa balanqaaday inay wixii ay soo qabteen masuuliyiinta ay xilka kala wareegeen halkaa kasii wadayaan, iyagoo ku amaanay mudadii ay xilka hayeen.
Dhinaca kale Dhanbaal Hambalyo Warbaahinta loo mariyay Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Warshadaha, ayaa u qornaa sidan:-
Wasiir-ku-xigeenka cusub Md. Cali Dhagoole waa nin aqoonyahan ah oo xilalkii uu hore u soo qabtay lagu bartay karti, hufnaan, caadanimo, dulqaad iyo khibrad, isla markaana waayo-aragnimo u leh shaqada uu Madaxweynaha Qaranku u doortay, waana wasiir matali kara bulshada iyo gobolka uu ka soo jeedaba.
Waxaannu ugu ducaynaynaa in Alle u fududeeyo xilkaasi culus ee uu qaaday Aamiin.”
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews