X
    Categories: Warar

Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladda oo ka Codsaday Bulshada in Laga Qaybgalo Gurmadka Abaaraha Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Md. Yuusuf Axmed Faarax, ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland in laga wada qaybgalo sidii gurmad iyo taakulo loogu fidin lahaa dadka ay saamaynta ku yeesheen abaaraha qallafsan ee ka jira degaannada gobollada bari ee dalka.
Wasiir Faarax oo qoraal baaq xambaarsan khadka internetka ugu diray Jamhuuriya, waxa kaloo uu dadka ka codsaday in la iscafiyo, la isna saamaxo si loo helo naxariista Alle (SWT), isagoo bulshada u soo jeediyey inay iska kaashadaan wax ka qabashada dhibaatooyinka soo waajaha dalka oo abaaruhu ka mid yihiin.
“Waxaan baaq u dirayaa dadka islaamka ah ee degan Jamhuuriyadda Somaliland sida madaxda xisbiyada qaranka, goleyaasha xukuumadda, culimada, ganacsatada, waxqaradka, madax-dhameedka, aqoonyahanka, qurbo-joogga, dhallinyarada iyo haweenka in ay iscafiyaan, isna saamaxaan, si Allaah (SWT) inoo cafiyo, innooguna naxariisto, iskana kaashanno abaarahan ba’an ee dalka saameeyey, gaar ahaan gobollada bariga Somaliland.
Sidaa darteed, waxaan bulshoweynta Jamhuuriyadda Somaliland ku boorrinayaa inay iska kaashadaan, iskana caawiyaan hadba wixii dhibaato ah ee soo food saara, sida abaarahan ba’an ee hadda ka taagan gobollada bariga, Ilaahayna waxa uu qur’aanka kariimka ah innoogu sheegay in aynu iska caawino wanaagga.
Waxaan aaminsanahay haddii ay bulsho-waynta Jamhuuriyadda Somaliland iskaashato in aynu wax walba qabsan lahayn, waayo waxa horumar lagu gaadhaa isku duubni iyo wax wada qabs.Tusaale ahaan; markaynu eegno wasaaradaheenna ama wax kastoo dhisme ah waxa hore innoogu dhisi jiray hay’adaha.
Hase ahaatee, waxa aynu maanta ognahay in ay xukuumad ahaan qabatay ama hirgalisay dhismayaal aad u badan oo waliba wasaaradaha u badan, taasna waxa keenay iskaashiga, kala dambaynta iyo nidaamka dawladnimo oo ay ka dhalatay in bulshoweyntu ay si habsami ah u bixiyaan cashuurta ku waajibtay, waxaanay keentay in Wasaaradda Maaliyaddu ku dhistay dhismeyaashaa aynu soo sheegnay.
Waxa kaloon bogaadinayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan oo horena aannu isku ahayn bahda waxbarashada oo dedaal iyo hawlkarnimo aad u sarraysa ka gaysatay waxbarashada gobol kasta, degmo kasta, magaalo kasta iyo tuulo walba.
Sidaa awgeed, waxa maantana lagaa sugayaa sidii muga iyo miisaanka lahayd ee aad uga qaybqaadan jirtay horumarka dalka, aad uga qaybqaadato gurmadka abaaraha ba’an ee ka jira Gobollada Bariga,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post