X
    Categories: Warar

Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumadda Federaalka Oo Lagu Toogtay Af-faafka Madaxtooyadda Villa Somalia

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Warar kasoo baxay Madaxtooyadda Villa Somalia, ayaa xaqiijiyay in caawa fiidkii agagaarka madaxtooyada magaalada Muqdisho lagu dilay wasiirkii howllaha guud iyo dib u dhiska dawladda Federaalka ee Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji.

Wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Yarisow, ayaa shaaciyay in ay Wasiirka toogteen ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Villa Somalia, wuxuuna sheegtay in la baadhayo sida uu dilka Wasiirku u dhacay iyo sababta ay askartu u toogteen masuulkaa.

Wasiirka, ayaa tacshiirad rasaas ah lagu furay, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamada Koofiyad casta loo yaqaan ee Ilaalada Madaxtooyadda ay dilka ka danbeeyeen, kaddib markii gaadhiga Wasiirka oo marayay meel aan ka fogayn Madaxtooyadda tacshiirad rasaas ah lala beegsaday kaddib markii laga shakiyay. Sidaana uu ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Marxuum Cabaas Cabdullaahi Siraaji oo ahaa Wasiirka ugu da’ada yaraa xukuumadda Farmaajo.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. ayaa booqday Cusbitaalka markii la geeyay Maydka Wasiirka, wuxuuna tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday iyo shacabka Soomaaliyeed.

Marxuum Cabaas Cabdullaahi Siraaji oo ahaa 32 wuxuu sidoo kale ka tirsnaa Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa dhalinyarada markii ay Soomaaliya burburtay qaxootigii ku soo barbaaray xerada qaxootiga ee Dhadhaab. waana wasiirkii ugu horreeyay ee Muqdisho lagu dilo tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo dhisay golihiisa wasiiradda dhawr bilood ka hor.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post