X
    Categories: Warar

Wasiir Ka Tirsan Dawladda Federaalka Oo Xilka Iska Casilay Iyo Sababta Uu Go’aankaa U Qaatay

Muqdisho(ANN)-Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdi fitaax Ibraahim Geeseey ayaa maanta iska casilay xilka wasiirnimada isaga oo ku sababeeyey faragelinta ay dowladda dhexe ku hayso arrimaha siyaasadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Shir Jaraa’id uu wasiirku ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu kaga dhawaaqay inuu xilka uu ka hayey xukumadda Federaalka ee Soomaaliya inuuiska casilay.

Wuxuuna sheegay in aanu jirin sharci dowladda u fasaxaya inay faragelin ku samayso Maamullada dowlad goboleedayada dalka ka jira isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay Koonfur Galbeed.

Sidoo kalana aanay jirin meel go’aan lagaga gaadhay in doorashada laga reebo lana soo xidho Muwaaddin Muqtaar Roobow Cali Abu-Mansuur oo Koonfur Galbeed u dhashay.

Mukhtaar Roobow oo ah musharraxa u tartamayey doorashada madaxweynanimada ee ka dhacasya Koonfur Galbeed in laga hor istaago, isla markaana dowladda dhexe ay xabsi dhigto ay tahay xad gudub.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya oo aan wax tixgelin ah siinin Dastuurka ku meel gaadhka ee dalka isla-markaana ku guul darreysatay inay wixi khilaaf ee jira wadahadal lagu dhammeeyo.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Soomaaliya Cabdi fitaax Ibraahim Geeseey ee iscasilay wuxuu ka mid yahay Golaha Xildhibaannada Federaalka Soomaaliya.

Waxa uuna baaq u diray dhinacyada dhaqanka Ee Ka soo Jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo kaashanaya shacabweynaha inay ka shaqeeyaan sidii Gobolka looga soo dabbaali lahaa nabadgalyo waarta iyo xasilooni.

Wuxuuna u mahadceliyey madaxda dowladda dhexe sida wanaagsan ee ay u soo wada shaqeeyeen muddadii uu xilka wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Soomaaliya uu u soo hayey qaranka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post