X
    Categories: Warar

Wasiir Hinda Gaani Oo Ka Jawaabtay Baaqa Ra’iisal Wasaare Khayre Ugu Gacan Haadiyay Dhalinyarada Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland, Marwo Hinda, 28 jan 2020, Araweelo News Network.


Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland, Marwo Hinda Xirsi Gaani, ayaa jawaab ka bixisay dhawaaq kasoo yeedhay Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Khayre oo sheegay inay dhalinyarada Somaliland ku dareen qorshe dhaqaale oo maal-gelin ah.


Hase yeeshee Marwo Hidna Gaani oo maanta ka hadlaysay munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland (SONYO) ee cusub Cabdicasiis Maxamed Jaamac iyo Guddoomiyihii hore Cabdicasiis Siciid Saalax oo lagu qabtay xarunta dalada SONYO, ee Hargeysa,ayaa sheegtay in aanay dhalinyarada Somaliland ahayn kuwo meel looga yeedhi karo oo callooshood u shaqaystayaal ah.


“Dhalinyarada Somaliland, maaha callooshood u shaqaystayaal meel looga yeedhayo, waxay jooggaan dalkoodii, waxay usoo samreen wax badan, iyadoo maanta ka nolol liidata, maantana meel fiican ayay joogaan oo meel looga baqo ma jooggaan.” ayay tidhi, Marwo Hinda oo ka jawaabaysay dhawaaqa Khayre ee ku waajahnaa dhalinyarada Somaliland.


Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Marwo Hinda Xirsi Gaani, waxa kale oo ay ka hadashay qorshaha xukuumadda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ee ku waajahan dhalinyarada, waxayna sheegtay bushaarooyin fiican, iyadoo xustay in sanduuqa dhalinyarada loo sameeyay ay ku jirto lacag gaadhay $ 400, 000, (Afar boqol oo kun oo dollar), taas oo ay xustay in lasii kordhinayo, isla markaana ay qaar ka mid ah Hay’addaha caalamiga ah qaybtii ay ku darsan lahaayeen ka sugyayaan oo qaarkood saxeexeen.


Sidoo kale, waxay xustay in Madaxweyne Muuse Biixi u diray gar-yaqaanka guud ee qaranka qaabkii sharcigii loo maamuli lahaa dhaqaalaha sanduuqaa, isla markaana la samaynayo guddi mus-danbeed ah oo qayb ka ah sidii loo maamuli lahaa dhaqaalahaa sanduuqa dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post