Araweelo News Network
Hargaysa (ANN)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa farriimo digniin iyo dardaaran ah u diray siyaasiga dibad-wareegga ah ee Cali Khaliif Galaydh oo uu ku eedeeyey inuu dhibaato ka dhex wado shacabka ku dhaqan degaannada Buuhoodle.
Wasiir Cukuse oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shalay, waxa kaloo uu ka hadlay siyaasadda iyo qorsheyaasha xukuumadda Somaliland ugu talogalashay Gobolka Buuhoodle iyo bulshada halkaas ku dhaqan oo uu ugu baaqay inay nabadgelyadooda ilaashadaan.
“Degaanka Gobolka Buuhoodle waxa maalmahan dambe soo noqnoqotay hadal-hayn ah inuu halkaa ku sugan yahay Cali Khaliif Galaydh oo ka wada kacdoonno iyo rabshado hor leh, isagoo si gurracan ugu tiraabay inuu degaannadaas ka samayn doono dagaallo dhiig ku daato.
Siyaasadda xukuumadda Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed maxamed Maxmuud Siilaanyo ee ku wajahan wada noolanshaha iyo wada daganaanshaha guud ahaan mandaqadda Geeska Afrika, waxa ay tahay in shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland oo la yaqaan, xuduudo suganna leh ay nabad ku wada noolaadaan, wax kastana walaalnimo iyo nabad ku qaybsadaan. Ilaahay ka baryi maayo, mana jeclin qof kasta iyo koox kasta inay shacbiga Somaliland iyo noloshiisa; hadday bari tahay iyo haddii ay galbeed tahayba, haddaa Buuhoodle iyo hadday Burco tahay, haday Hargeysa tahay iyo hadday Laascaanood tahay midna inay rabshad ka dhex aloosmaan ma jeclin, mana doonayno, intii awoodayda ahna waanu ka difaacaynaa,” ayuu yidhi Cukuse.
Wasiirka Warfaafinta oo daba socday hadallo xasaradaysan oo ka soo yeedhay Cali Khaliif Galaydh, waxa uu yidhi; “Shacbiga Buuhoodle waxaannu ugu yeedhaynaa oo aannu dib u xasuusinaynaa hadallada xanafta leh ee uu ku hadlayo Cali Khaliif ee ahaa anigu waxaan u taagnahay dagaal (Subxaanallaah). Isagoo toddobaatan jir ah inuu maanta ku dhawaaqo oo ku tiraabo inuu dagaal isu taago oo uu dhiig daadiyo aad baan uga xumahay. Waxaan Cali Khaliif xasuusinayaa da’dii la xasuusin lahaa ma jooge’ guriga uu Buuhoodle maanta ka deggan yahay ubadka hareerihiisa ku ciyaaraya inay sida ubadkiisa Maraykanka ku nool waxbarasho u baahan yihiin, inay sida ubadkiisa biyo, caafimaad iyo cuntaba u baahan yihiin… Ma ahayn, mana qabato carruurta guriga aad deggan tahay hortiisa tuban ee markaad soo baxdo cadceedad kulul sidaa ku eega inaad ugu yeedho dagaal iyo dhiig daata oo aad mustaqbalkooda ku casuunto, mana qabato, adigana kuma qabto Cali Khaliif ahaan, shacbiga Somaliland-na ma qabato.”
Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir waxa kaloo uu ka hadlay xaaladda abaaraha kulul ee dalka ka jira waqtigan, waxaannu kula taliyey Cali Khaliif inuu garowsado dhibka shacabka haysta iyo gurmadka loo baahan yahay in qof kasto Muslim ah maanta oo kale ugu gargaaro dadkaas dhibaataysan, “Waad ogtihiin maanta waxa jirta xaalad abaareed oo aad u daran degaannada dalkeenna bari iyo galbeedba haba sii kala darnaadaane.
Waad ogtahiin oo dhaqan baynu u leenahay inay beeluhu isu guuri jireen oo beelaha kala degaanka ah isu guuraan, miciinna is bidaan, maalintan oo kalena isu ciidmaan oo waa la is-caawiyaa, degaanka ayaa wax la iska siiyaa baadka iyo biyaha wixii la haysto oo nolosha oo dhan ayaa la wadaagaa. Ma ahayn maalin uu Cali Khaliif yimaad Buuhoodle iyo in aynu innagu dagaal uun hadal-hayno, mana qabto isaga markale ayaan ku celinayaaye, dadkana ma qabato.”
“Dagaalku ma wacna, nabad ayaana wanaagsan. Dagaalku dhiig buu leeyahay, dad baa ku dhinta oo ummad baa ku hallaagma, ubad baa aabbahood ku waaya oo ku agoomooba. Waxa wacani waa nabada qofku hadduu qof weyn yahay waxa muhiim ah inuu eego horumarka, rajada iyo mustaqbalka ubadka yaryar ee soo koraya. Cali Khaliifoow markaad Buuhoodle joogto Xamar iyo Burco waxa kuu dhow Burco, Burco ayey Buuhoodle wax ka dhexeeyaan oo ay tahay inaad heshiiso oo ka shaqayso inay wax wada qabsadaan inta aad 1000km doolaalo uga imanayso adigoo dhib u wada taasi ma fiicna,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.
Sidoo kale, waxa uu dardaaran u diray shacabka degaannada Buuhoodle iyo Qorilugud, waxaannu yidhi; “Ehel iyo xiddid baad tihiin, dhawaanna waatii dib-u-heshiisinta iyo islaaaxa coladeed la soo afjaray, insha Allaahuna wixii dhiman waannu dhammaynaynaa ee Ilaahay baan idinku dhaariyee ka xishooda oo nafihiinna u tudha, waxaanad isugu yeedhaan oo isku waanisaan nabadda iyo waxa Ilaahay idiin faray inaad ilaalisaan.”
“Cali Khaliif annagu eray xun odhan maynno, laakiin waxaannu xasuusinaynaa wanaaggu waxa uu yahay inaad Professor Saleeban Axmed Guuleed oo Boorama jooga iyo Axmed Siilaanyo oo ah Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo da’daada ahba inay ka taliyaan nabadda, waxbarashada iyo horumarka dalkooda, waxana loo baahan yahay inaad adiguna ku dayato,” ayuu yidhi, Wasiir Cukuse.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com