X

Washington: Madaxweyne Biden Oo Kusii Jeeda Bariga Dhexe Meel Marinta Qorshaha Ciidamo Difaac Oo Sacuudiga Iyo Israel Yeeshaan

Putin iyo Biden, Image Araweelo News Network

Araweelo News Network.

Washington (ANN)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa safar ugu baxaya maalinta Arbacada dalalka Khaliijka, waxayna la xidhiidha booqashadiisu kaddib markii lagu dhaleeceeyay inuu yahay anshax ahaan mid dalkiisa u horseeday inuu musalafo, iyadoo dhaleecayntaa sabab looga dhigay siyaasadiisa oo lagu tilmaamay mid daciif ah.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa waxa uu qorshaysan inuu kulamo la yeesho hoggaamiyaasha dalalka Khaliijka oo ay ugu horeeyaan Sacuudiga, isagoo sidoo kale la filayo inuu la kulamo hoggaamiyaasha Yuhuuda ee Israel.

Laxidhidiha: Warqad Shirkaddaha Waaweyn Madaxweyne Biden U Qoray Oo Xanbaarsan Cannaan Kulul iyo Booqashada U Qorshaysan Ee Sacuudiga Oo Calaamatu Su’aal La Geliyay

Qorshihiisa ku waajahan bariga dhexe, ayaa qayb ka ah sidii dalalka Khaliijka loogu qancin lahaa in ay Israel la samaystaan xulufo ciidan oo lagaga hortago Iran. Sidoo kale booqashadisa ayaa qayb ka ah qorshe uu xal ugu raadinayo xaaladda cakiran uu dalkiisu galay, iyadoo lagu tilmaamay siyaasadiisa mid uu si weyn ugu fashilmay inuu la yimaado siyaasad cad oo ku waajahan shidaalka oo gaadhay meel aan nollosha dadku kasoo waaqsanayn.

Biden oo doonaya inuu la tacaalo mushkilada weyn ee dalkiisu waajahay ee dhanka tamarta, ayaa la filayaa inuu Safar ugu baxo dalka shidaalka ugu baddan aduunka soo saara ee Sacuudiga, wuxuu noqonayaa safarkii u horeeyay ee uu ku tago Khaliijka, iyadoo cilaaqaadka Madaxweyne Biden iyo Sacuudigu sii xumaaday, kaddib markii uu ku guulaystay doorashadii November 2020, isagoo xilligaa canbaareeyay dilkii foosha xumaa ee Saxafigii Jamal Kashashoggi eel ala xidhiidhiyay inuu ka danbeeyay dhaxalsugaha awoodda baddan ee Maxamed Bin Salamaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Biden, ayaa xilligaa dhaleeceeyay dagaalka Sacuudigu ka waddo dalka Yemen, wuxuuna tilmaamay in xadgudubyo ka dhan aha xuquuqda Aadamaha uu sababay dagaalka Yemen.

Booqashada Madaxweyne Biden ee dalka saliida ugu baddan soo saara ee Sacuudiga, ayaa dhaleecayn dhanka gudaha Maraykanka lagaga keenay, iyadoo Sacuudigu hore u diiday dalabka Maraykanka ee ahaa inuu kordhiyo saliida uu soo saaro, maalmo yar kaddib markii dagaalka Ukraine ee Ruushku bilaabmay, waxaana la filayay in haddii sacuudiga iyo Imaaraadku kordhiyaan Saliida ay soo saaraan aannay dhibaatada maanta dunida ku habsatay timaadeen, balse waxa meesha ka baxay qorshihii la doonayay in lagu daboolo Saliida uu dalka labaad oo Ruushka ahaa soo saaro, kaddib markii ay Sacuudiga iyo xulufadiisu diideen.

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo hore uga dhega adaygay in ay kordhiyaan xaddiga soo saarista shidaalka si loo buuxiyo doorkii saliida ruushka, ayaa dhowaan ku hungoobay qorshaha xaddiga la doonayay in lagu kordhiyo soo saarinta saliida.

Waxa  jiray balanqaad uu dhinaca Shiinaha u sameeyay Sacuudigu inuu ka iibinayo, isagoo lacagta Yuan-ka kaga iibinaya , waxaana la qorsheeyay in Madaxweynaha Shiinuhu booqasho ku tago dalka Sacuudiga horaanta August 2022, si ay arrimo dhanka ganacsiga ah iyo heshiisyo u wada saxeexdaan labada dal, balse lama ogga waxa uu Madaxweyne Biden xilligan kala kulmayo safarkiisa  Boqortooyada Sacuudiga.

Laxidhiidha:Sucuudiga Oo Saliidda Kaga Iibinaya Shiinaha Lacagtiisa Yuan-ka

Dhinaca akle, Madaxweyaha dalka Ruushka ayaa isna dhankisia markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Madaxweyne qorsheynayo inuu booqdo Sacuudi Carabiya si uu ugala hadlo dhibaatada saliidda adduunka iyo ciidamo Israel iyo Khaliijku yeeshaan oo isu xulufaysta Iran, waxaa la xaqiijiyay in Madaxweyne Vladimir Putin booqanayo Tehran si uu hoggaamiyaaysha Iran ugala hadlo arrimo la xidhiidha xaaladda gobolka iyo dagaalka uu kula jiro Ukraine ee sida weyn ay isugu maandhaafeen Maraykanka iyo xulufadiisa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post