X

Washington: Gantaalaha Maraykanku Siiyay Ukraine Oo Abuuray Xaalad Kale

Araweelo News Network.

Madaafiicda ayaa si degdeg ah u noqday hubka ugu muhiimsan ee Ukraine dagaalka ay kula jirto Ruushka.

Kyiv(ANN)-Ciidamada Ukraine ayaa bilaabay in ay adeegsadaan madaafiicda cusub ee reer galbeedka, gaar ahaan noocyada sida M777 Howitzer, ee goobta dagaalka,balse nooc ka duwan hubka ayaa saameyn weyn ku yeeshay.

Laxidhiidha Ukraine: Qabsashada Ruushka Ee #Warshadda Ugu Weyn Ee Laydhka Oo Walaac Gelisay Rajadii Dalaka Yurub

Nidaamka Gantaalka Madaafiicda Sare ee uu sameeyay Maraykanka ee loo yaqaan HIMARS, ayaa noqday casriyaynta Tignoolajiyada sare ee millateriga Ukraine, wallow ay walaac hor leh ka abuureen xaaladda dagaalka iyo saaamaynta cabsida leh ee sii kordhaysa.

“Waxa Maraykanku u baahan yahay inuu sameeyo waa inuu yeesho istaraatiijiyad uu dagaalkan ku soo afjari karo goor hore,” sidaa waxa yidhi, George Beebe, oo ah agaasimaha istaraatiijiyadda ee Machadka Quincy.

Laxidhiidha: Gantaalaha Maraykanka Ee HIMARS Maxay Ka Beddeleen Dagaalka Isbalaadhinta Ruushka

“Taasi macnaheedu maaha oo keliya in lagu qanciyo Ruushka in aannay ku guulaysan karin goobta dagaalka, laakiin sidoo kale waxay tani tusaysaa in haddii ay tanaasul sameeyaan miiska wadahadalka ay wax ka taray “ayuu yidhi, George Beebe.

Gantaalahaa gaadiidka saaran ee lagu sameeyo Maraykanka ee loo yaqaan HIMARS ayaa noqday kuwo ka caawin kara ciidamada Ukraine inay iska caabiyaan duulaanka Ruushka, wallow aannay sidii la fllayay wax uga beddelin xaaladda dagaalka, isla markaana Ruushku ay sheegeen in ay qaar ka mid ah gantaalahaa gubeen oo ay burburiyeen.

Hase yeeshee walaac kale ayaa ka dhashay gantaalaha HIMARS ee Maraykanku bixiyay, iyadoo ay sii xoogaysatay sababta ay dadka qaar uga baqayaan in hubkan xoogga badan uu horseedo sii hurinta colaaddaha u dhexeeya Ruushka iyo reer galbeedka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post