X
    Categories: Warar

Washigton Post: Halkee ayey Noqon Doontaa Safaaradda Maraykanka Ee Magaalada Quds

This photo shows a view of Israeli-occupied Jerusalem al-Quds on December 1, 2017. (Photo by AFP)

Araweelo News Network

A general view of Jerusalem shows the Dome of the Rock, located in Jerusalem al-Quds’s Old City on the compound known to Muslims as Noble Sanctuary and to Jews as Temple Mount on December 6, 2017. (Photo by Reuters)

Warbixin xiiso badan oo u daabacay wargeyska Washington Post dabayaaqada toddobaadkii ina dhaafay ayaa wuxuu kaga warramay dhibaatooyinka waajihi doona in safaaradda Maraykanka loo raro magaalada Qudus ee dhulka barakaysan, isaga oo dhinaca kale sheegay in Maraykanku sannadkii 1989-kii waqtigii u madaxweynaha ka ahaa Ronald Reagan uu heshiis la galay dawladda Israa’iil, kaas oo sheegaya in safaaradda Maraykanka ee dalka Israa’iil laga dhisi doono magaalada barakaysan ee Quds.

Warbixintan oo u diyaariyey qoraaga lagu magacaabo Adam Taylor oo arrimaha siyaasadda iyo diblamaasiyadda uga faalooda wargeyska Washington Post ayaa wuxuu ku sheegay in muddo 99 sannadood ah lagaga kireeyey meesha laga dhisayo safaaradda in sannad kasta dawladda Maraykanku bixiso lacag gaadhaysa hal doolar oo keliya.
“Dabayaaqada xukunkii Ronald Reagan ayaa waxa si toos ah la iskula meel dhigay meesha laga dhisi doono sarafaradda Maraykanka, waxaana heshiiskaasi u saxeeyey dawladda Maraykanka safiirkoodii u fadhiyey Israa’iil oo la odhan jirey William Brawn,” ayuu yidhi wargeysku.
Qoraaga warbixintani wuxuu sheegay in wali dhulka loo asteeyey in laga dhiso safaaradda u yahay meel ammaankeeda hore loo qariyey inkasta oo u ku tilmaamay in meesha laga dhisi doono ay ku taal xaafad ka tirsan magaalada Qudus oo aan degaan ahaan wali dhismyaal ka dhisneyn, laakiin haddii dawladda Maraykanku ku degdegto inay safaaradaas u rarto magaalada Qudus ay ka dhigan doonto dhisme qaddiim ah oo sannadkii 1912 dawladda Maraykanku ka dhisatay magaalada Qudus oo loogu talogalay in loo adeegsato Qunsuliyad ahaan.
Wargeysku wuxuu intaa ku daray in dawladda Maraykanku ku leedahay magaalada Qudus dhawr dhisme oo u ka mid yahay dhisme kale oo isna loo adeegsado shaqada qunsuliyadda Maraykanka oo ku yaal meesha lagu magacaabo Arnona oo aan wax badan ka fogeyn meesha hore loogu asteeyey in safaraadda Maraykanka laga dhiso oo lagu magacaabo Tal Buyuut, kaas oo ku yaal goobaha lagu heshiisayey sannadkii 1949-kii inay ahaadaan meelaha hubka ka aagan.
Ugu dambeyn wuxuu wargeysku sheegay in dhismahan dambe laga yaabo inuu noqdo safaaradda u Maraykanku sheegayo inuu u soo rarayo magaalada Qudus oo halkii u ka dhisan lahaa dhismayaal cusub u si fudud ugu soo guuri karo dhismaha qunsuliyadan waana dariiqa ugu fudud ee u madaxwyne Trump u fulin karo go’aanada u ku dhawaaqay.
Warbixintan oo Af-Ingiriis ku qoran iyo meelaha laga soo xigtay ka akhri WWW.BEERSHIYA.COM.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post