X
    Categories: Warar

Wasaaradda Waxbarashada Oo Kordhisay Mudada Laga Maqnaanayo Iskuulada iyo Jaamacaddaha Dalka

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)

Hargaysa(ANN)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo ay wehelinayeen agaasimaha guud Axmed Abokor Maxamed iyo agaasimaha tacliinta sare Axmed Muuse Muruud ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, maanta ku shaaciyey muddo kordhin lagu sameeyey fasaxii dugsiyada waxbarashada iyo jaamacaddaha dalka.

Muddadii hore ee la fasaxay goobaha waxbarashada dalka xannuunka COVID19 dartii, ayaa ku beegan 18 bishan afraad ee 2020-ka.

Sidaa darteed, madaxda wasaaradda waxbarashada iyo sayniska oo raacaya go’aamada guddiga heer qaran ee ka hortaga xanuunka COVID19 ay ka soo saareen kordhinta fasaxa goobaha waxbarasho ee dalka, ayaa sheegay in lagu kordhiyey fasaxii goobaha waxbarashda dalka muddo afar todobaad ah oo ka bilaabmaysa 18/4/2020-ka, kuna dhammaan doonta 17/5/2020.

Ugu horeyn, agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Muuse Muruud oo munaasibadaa ka hadlay ayaa uga mahadnaqay guud ahaan jaamacadaha dalku, sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee ay u qaateen go’aamada lagu xakamaynayo xanuunka COVID19 oo adduun halis caafimaad ku haya.

Sidoo kale, agaasimuhu waxa maamulka jaamacadaha dalka u soo jeediyey, in ay u hogaansamaan go’aankan cusub ee lagu kordhiyey, fasaxii goobaha waxbarashada ee dalka.

Agaasimaha guud ee WW&S Md.Axmed Abokor Maxamed ayaa isaguna ugu baaqay dhammaan goobaha waxbarashada dalku, in ay u hogaansamaan, muddada lagu kordhiyey fasaxii goobaha waxbarashada dalka.

Geesta kale, agaasimha guud ee WW&S Md.Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta sheegay, in lacagta mushaharka loo kordhiyey macallimiinta dugsiyada dawliga ah ka hawlgala ee derajadoodu tahay “B”.

Sidaa darteed, waxa uu hoosta ka xariiqay, in aanay ku jirin kordhintaasi, shaqaalaha kale ee ka hawlgala guud ahaan xafiisyada wasaaradda waxbarashada ee haysta derajada B.

Ugu danbayn, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa isaguna carabka ku adkeeyey, in si buuxda loo qaato go’aamadaa lagu daryeelayo guud ahaan caafimaadka bulshada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa sidoo kale, sheegay in sidaa loo yeelayo ka hortaga fiditaanka xanuunka COVID19 oo weli dhibaatadiisu ka jirto guud ahaan, dalka iyo adduunka intiisa kale.

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa waalidiinta ardeyda wax ka barata dugsiyada iyo jaamacadaha dalka, in ay mushaharkii ay siin jireen u soo diraan macallimiinta dugsiyada gaarka ah iyo kuwa jaamacadaha, maadaama oo ay weli waxbarashadii ku siiyaan habka hawada (online) amma warbaahinta.

Gunnaanadkii shirkaa jaraa’id, waxa uu wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye ugu baaqay maamulka dugsiyada gaarka ah iyo jaamacadaha dalka, in aanay ka qaadin lacagtii gaadiidkii soo qaadi jirey ardeyda, maadaama oo aanay jirin ardey ay soo qaadaan wakhti-xaadirkan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post