X
    Categories: Warar

Wasaaradda Gaadiidka Oo Sharci Kusoo Rogtay Gaadiidka Basaska Rakaabka Ee Gobolada Isaga Goosha

Hargaysa (ANN) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Cumar C/laahi Aadan iyo Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Maxamed Cige oo si wadajir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wajigii koowaad ee hirgalinta barnaamijka gaadiidka loogu xidhayey  qalabka xadiddaada xawaaraha  ee lagu bilaabay basaska rakaabka u kala qaada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba uu ku egyahay 05 January 2020, waxaanay cadeeyen inaan wakhtigaas gaadhi rakaab sida oo aanu ku xidhnayn Qalabka Qadidaada Xawaarahaa (Speed Governor) ka gudbayn kaantaroolada.

Shirka  jaraaid oo ay si  wada jir ah, ugu qabten  xafiiska Agaasimaha Guud, ayaaa waxay Sidoo kale,   gaadiidka booyadaha, iskorogooyinka, iyo gaadiidka qaadka qaada u qabteen mudo  60 cisho gudaheed ah in ay iska soo xaadiriyaan goobaha ay wasaaradu ugu talo gashay adeegaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ka hadlaaya arintaas ayaa yidhi: – “in 5 bisha January 2020 oo ay ka hadhsantahay mudo 6 casho ah in bas rakaab qaada oo aanu ku xidhnayn qalabka (Speed Governor) aanu ka gudbidoonin kaantarooladda Goboladda JSL, maadaama ay dhamaatay mudadii 90 casho ahayad ee Wasaaraddu u qoondaysay dhamaatay, basaska intii badnayd 90% ay ku xidheen.”

Agaasimaha  oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:- “ sidoo kale waxaanu Iyagana  halkan baaq uga diraynaa oo mudo 60 casho ah siinaynaa gaadiidka booyadaha, iskorogooyinka, iyo gaadiidka qaadka qaada in ay iska soo xaadiriyaan goobaha ay wasaaradu ugu talo gashay in gaadiidka lagaga xidho qalabkaas.”

Ugu danbayntii Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland Maxamed Cige ayaa sheegay in ay amarkaasi fulindoonaan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:- “ waanu fulinaynaa amarkaas la soo saaray Xawaaraha oo intii badnayd ay iminka yaraatay sidii loogu talo galay intii lagu xidhay gaadiidka shirikadaha qalabkaa lagu xidhay way yaraatay.”

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post