X
    Categories: Warar

Wasaaradda Duulista oo Caddaysay in aan Muwaadiniinta Qurbo-joogga ah Laga Doonayn Fiiso ay ku soo Galaan Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa meesha ka saartay warar la faafiyey oo khuseeya in dadka muwaadiniinta qurbo-joogga ah lagu xidhayo fiiso ay ku soo galaan dalka marka ay ka soo laabtaan wadammada ay ku nool yihiin ee caalamka.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada, muwaadiniinta ka soo laabanaya dalalka dibadda xilliyadda xagaaga waxa ay ka soo degi karaan madaaradda Somaliland, iyadoo aan la weydiin wax fiiso ah.
“Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku wargalinaysaa in aanay jirin wax iska beddelay habkii socdaal ee ay muwaadiniinta reer Somaliland dalka ku iman jireen marka ay ku soo laabanayaan, khaasatan dadka sita sharciyada (Baasaboor) Wadammada kale, ma jiraan wax fiise ah (dal-ku-gal) oo ay soo dalbanayaan ee sidii horeba ay u iman jireen ayey u imanayaan.
Wasaaraddu waxa ay uga digaysaa cid kasta oo siyaasadaynaysa danaha qaranka ee ummadda majaro-habaabinaysa in ay ka waantoobaan oo aanay baahin warar shacabka wiiqaya oo aanay hubin.
Sidoo kale, iyada oo gudanaysa xilka ay qaranka u hayso Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirku, waxa ay gacmo furan ku soo dhaweynaysaa muwaadiniinta reer Somaliland ee ku kala nool daafaha dunida, sharciga ay doonaan ha sitaan marka ay dalkooda imanayaan, Wasaaraddu waxa ay dadka muwaadiniinta ah ugu diyaarisay madaarada dalka adeegyo hufan iyo raaligelin.
Ugu danbayntii dadka aan Somaliland u dhalan ee sita sharciyada (Baasaboor) waddankooda, iyana waa sidii ay hore ugu iman jireen waddanka oo fiise ayey ka soo dalban doonaan Hay’adda Socdaalka Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post