Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo bandhigay qorsheyaasha waxbaqad ee maamulkiisa cusub ku hawlgalayo iyo wax-ka-qabashada dhibaatooyin kala duwan oo uu sheegay inay dalka ka jiraan waqtigan.
Wasiir Kaahin oo warbixin dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey fadhigii Golaha Wakiillada oo isaga iyo xubno kale oo Golaha Wasiirrada xukuumadda cusub ka tirsan lagu ansixiyey, waxa uu si faahfaahsan uga warbixiyey arrimo ay ka mid yihiin xaaladda nabadgelyada guud ee dalka, dhibaatooyinka jira iyo waxyaabaha u qorshaysan maamulkiisa 120-ka maalmood ee ugu horreeyey muddo-xileedka xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo caddeeyey inay xeerar uu ka mid yahay Xeerka Booliska Somaliland ay dib ugu soo celin doonaan Golaha Wakiillada si wax-ka-beddel loogu sameeyo.
“Waxa aannu kolleyba soo dhammaystiri doonnaa, waxyaabana dib ula noqon doonnaa marka aan Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada aniguna la tashado xeerarkii aad ansixiseen uu Madaxweynuhuna saxeexay, oo qaarkood aannu is-leennahay wax-ka-beddel ha lagu sameeyo oo uu ka mid yahay Xeerka Booliiska iyo in aannu soo dhammeystirno xeerarka kale ee lagama maarmaanka ah ee ay Wasaaradda Daakhligu ku shaqeyso, iyadana kolba cid baannu u xil-saarnay, waannu isku diyaarinaynaa, waannu soo gudbinaynaa, aad iyo aadna Guddoomiye adiga iyo Golahaba waan ugu mahadnaqayaa. Waad mahadsan tihiin,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Waxaannu intaas ku daray; “Mudanayaal; Wasaaradda Daakhligu sida aad la wada socotaan waa wasaarad u xilsaaran maamulka daakhliga ah oo ay ugu mudan tahay arrimaha nabadgelyada ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Qorshaha aan doonayo inuu ka hirgalo wasaaradda muddada soo socota waxa ka mid ah:
Adkeynta arrimaha nabadgelyada, gaar ahaan waxa aannu xoogga saaraynaa arrimaha mukhaadaraadka oo si ballaadhan hadda inoo soo gala iyo nidaam cusub oo dhallinyarada dalka ka abuuran oo ah kooxaysi amma dhallinyaro gangs ah oo abuurma magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan falal dembiyo ah ka sameeya.
Dhowaan waad la socoteen cusleys fara badan ayaannu saarnay tiro ilaa boqol iyo kontameeyo ah ayaa maxkamadda la geeyey, waxa loo kala gudbiyey xabsiyada Gobolka Sool, Degmada Caynaba, Degmada Gar-adag, Degmada Ceel-afweyn, waxaanuna ku talogalnay wixii gobollada beriga laga soo qabto in gobollada galbeedka la keeno.
Falalka la hayo waxa ka mid ah magaalooyinka gudaheeda toddoba, siddeed inan ku kufsanayaan hablo, waana arrin dhaqankii dhallinyarada aad iyo aad hoos innooga dhigtay, waanna arrin imminka muddada dambe aad u baahaysa.
Qorshaha waxa kale oo noo yaal maamulka in allaale iyo intii suurtogasha gobollada dalka inta aannu maamulku gaadhin amma aad uga hirgelin in aannu si fiican oo baaxad leh u daadajinno oo gobollada iyo degmooyinkaba u geyno.”
Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa sidoo kale ka hadlay nidaamka maamul-daadejinta degmooyinka dalka, waxaannu yidhi; “Waxa aannu gacanta ku haynaa, horena u sii socotay oo aan doonayaa in la sii xoojiyo dib-u-habaynta, haddii ay shuruucda tahay, haddii ay tababarada tahay, haddii ay qaabka kale ee booliska oo dhan tahay, in boolis reform-kii (dib-u-habayn) la sameeyo oo hadda gacanta lagu hayo.
Waxa kaloo aannu daadajinaynaa mashruuca kale ee la yidhaa Joint Programmer Local Governments (JPLG) oo siddeed degmo oo qudha ka socon jiray. Waxaan doonaynaa in iminka la gaadhsiiyo, waananu isla dhadhaw nahay qoladan kale, in lagu baahiyo shan iyo toban degmo oo kale. Shan io tobankaas degmo oo noqonaya degmooyinkeenna dalku waynu ognahay qaybo ayeynu u qeybsamaan, 23-keena degmo doorasho in mashruucaa wejigiisa labaad lagu kordhiyo oo 8 degmo oo qudha uu ka socday.”
Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Guduhu, waxa uu warbixintiisa ku sheegay inuu soo saaray amar uu ku mamnuucay gebi ahaanba deegaamayn cusub oo dalka laga sameeyo, waxaannu isagoo arrimahaas sharraxayey yidhi; “Waxa kale oo aannu soo saarnay in la hakiyo dhammaan deegaameynta cusub dalka, haddii ay tuulo tahay, hadday balliyo tahay.
Waxa aad iyo aad uga socda dalka deegaamayn fara badan, markii aannu isla aragnay Wasiirka Wasaaradda Degaankana, waa arrin halis ku ah degaanka.
Sidoo kale, waxay halis weyn ku tahay nabadgelyada dalka. Waxa kaloo ay khasaare bani’aadamnimo ku tahay meel walba nin baa keligii tuulo amma balli yar ka faadhfaadhiya amma barkad yar ka qodaya, meeshaasina waxay noqonaysaa degaanka u dhowna mid wiiqaya, nolol bani’aadamnimana aanay ka abuurmayn oo aan iskuul ka sameysmi karayn, oo aan maclaamacadi ka sameysmi karayn oo qabaa’ilka degaannada yaallaana isku horimanayaan.
Markaa waxa aannu diyaarinnay oo aan hadda sii bixiyey barnaamij hordhac ah oo badhasaabada iyo maayarrada oo dhan u dirnay, halkanna aannu ku kulannay in la joojiyo wax allaale iyo wixii deegaamayn ah ee dalka ka socda, Wasaaradda Degaankuna qeylo-dhaan ayey ka sameysay in arrintaasi degaanka ku tahay dhibaato.
Waxa kaloo aannu diyaarinaynaa barnaamij ah in Wasaaradda Daakhligu si dhow ula shaqeyso wasaaradaha kale ee xidhiidhka iyo shaqada isku dhow leeyihiin oo ay ka mid yihiin wasaaradaha Degaanka, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Macdanta, Caafimaadka, Tacliinta iyo dhammaanba wasaaradaha kale ee shaqadu iska soo gasho inay si dhow u wada shaqeeyaan.”
Waxa kaloo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu sheegay inay sii kordhayaan tirada dad aan wax sharci ah haysan oo macdanta ka gurta degaannada kala duwan ee Somaliland, isagoo sheegay inay wasaaraddiisu diyaarisay qorshe lagu joojinayo in cid aan liisan ka haysan Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu ay macdan ka gurtaan dalka.
“Waxa aannu hadda doonaynaa in aannu maareynteeda wada galno Wasaaradda Macdanta, waayo waxa aad u sii baahaya imminka oo dhagxaan-urursi ah, oo aanay jiri karin cid Wasaaradda Macdantu liisan siisay mooyaane cid kale dalka ka urursata macdan iyo dhagxaan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.