X
    Categories: Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Xisbiga WADDANI Uga Digtay In Ay Qaadaan Tallaabooyin Amniga Wax U Dhimaya

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirul-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in wax kasta oo dhibaato ah oo ka dhaca dalka loo qabsan doono masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI oo uu xusay inay iclaamiyeen dagaal, kadib markii ay ka cadhoodeen sarkaal xisbigooda ah oo la xidhay maalintii Sabtida.
Md. Maxamed Muuse Diiriye oo hadal ka jeediyey xaflad uu xilka kula wareegay Xoghayaha cusub ee Dawladda Hoos ee Hargeysa, waxa uu yidhi; “Waxa aan leeyahay xisbiyada qaranku ka dhimaan oo ha yareeyaan hadalada la isku marinayo hawada. Xalay (habeenkii Axadda) waxa aan maqlayey niman waaweyn oo madax xisbi ah oo hanjabaya oo leh ta ka dhacda waa laga sheekayn doonaa, erayada caynkaas ah waxa ay muujinayaan wax kasta oo dhaca ee maanta ka dhaca dalka waxa aannu u tirinaynaa oo loo ogaan doonaa, una qabsan doonaa waa ragga halkaas ka hadlay, sababta oo ah waxa ay ku dhawaaqeen oo caddeeyeen dagaal, wax laga aqbalayana maaha.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in masuuliyiinta hadalka xanafta leh jeediyaa ee ka tirsan xisbiga WADDANI ay u badan yihiin xubno cadho ka buuxdo oo hore uga mid ahaan jiray xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.
“Cadho ayaa ka buuxda kuwii ka tegay KULMIYE ee ku wareegay WADDANI, arki maysid inta badan nin WADDANI ah oo caytamaya amma hadlaya, (laakiin), ragga caytamaya ee caloosha xun leh, doonayana inay dalka burburiyaan waa ashkhaastii markii hore wareerisay xisbigan KULMIYE, imminkana doonaysa inay wareeriso WADDANI. Waxa aannu leenahay idiin adkaysan mayno, idinkana aqbali mayno hawlaha aad ka wadaan dalka gudihiisa iyo erayada ka soo baxaya afkiina oo waannu idin maqlaynaa, waanan idin dhegaysanaynaa, waxaanan idinku qaadaynaa wixii ka soo baxa afkiina,” ayuu yidhi Md. Maxamed Muuse Diiriye.
Wasiirul-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa sheegay in cid kasta oo dambi gasha la xidhi karo, isla markaana aanay jirin cid ka saraysa sharciga, sidaas darteedna aanay haboonayn in qof la xidhay lagaga jawaabayo hadal hanjabaado dagaal ah oo keeni kara inay dhaawacaan amniga qaranka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post