X
    Categories: Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadashay xaalad Collaadeed Oo Kasoo Cusboonaatay Ceel-afwayn

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay qulqulato ka soo cusboonaysaatay degmada Ceelf-afwayn oo bilo ka hor dagaal uu ku dhexmaray laba beelood oo walaalo ah, balse dadaallo laga galay lagu dejiyey xaaladda.
Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay warbaahinta , ayaa tilmaamay tallaabada ay xukuumad ahaan ka qaadeen cola adda ka soo cusboonaatay deegaanka Ceel-afwayn, isagoo caddeeyey in odayaal ka soo jeeda degaanka loo xidhxidhay colaadaha dib uga bilaabmay degaankaas.
“Arrintan waxaannu markii hore ku soo afjarnay wixii dhibaato ah ee dhacday waxaynu iskaga iman doonaa marka roobku da’o, sababta oo ah abaar xun baa meesha ka dhacday, halkaas ayey noogu xidhnayd. Hase ahaatee, habeen dhawayd ayey waxoogaa qalalaase ahi ka dhaceen oo laba qof ku dhaawacmeen, taana tallaabo ayaanu ka qaadnay, dhawr iyo toban qof oo odayaashii deegaanka ahna waanu ka soo qabanay, markaa hawshaasi halkaas ayey taagan tahay,” ayuu yidhi Wasiirul-dawluhu.
Waxa kaloo uu ka hadlay xadhigga weriye magaciisa la yidhaa Cabdimaalik Coldoon oo dhawaan ciidanka ammaanku ka qabteen madaarka diyaaradaha ee Hargeysa kadib markii uu ka soo noqday magaalada Muqdisho ee xarunta u ah Soomaaliya oo uu kaga qaybgalay dabbaaldeg loo samaynayey madaxweynaha cusub ee loo doortay halkaas.
“Anigu iminka weriye uma aqoonsani sababta oo ah hawlo badan oo kale ayuu galay, waxa uu isu beddelay hay’ad samo-fal, waxa uu ka qaybgalay shirar lagu duminayo qaranka oo uu si cad u caddaystay oo uu yidhi hebel baan u ololaynayey, dadkeenna xaggaa taga ee iska balaq-doonka ahi markay khaladkan galaan muddo kadib ayey cafis soo codsan jireen laakiin isagu xataa cafis soomuu qorane aayar buu iska soo dhaqaaqay oo madaarka ayuu yimi, halkaana waxa ku qabtay ciidammada oo amarka qaba. Markaa ninkaasi nin siyaasi ah oo ololaynayey oo ragga iminka la doonayo ee halkaa ku maqan ee doorasho loo doortay ama taageerayey ee waxaa ka shaqaynayey ayuun buu ka mid yahay, waxaanna la gayn doonaa maxkmad. Soomaaliya cidda innaga tagaysaa waa inay Baasaboorka Somaliland sii qaadataa, cidda ka imanaysaana waa inay baasaboorka Soomaaliya soo qaadataa oo ay ku soo gashaa dalka,” ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Amniga ee Daakhiliga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post