X
    Categories: Warar

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Beenisay In Dawlada Imaraadku Aqbashay Baasaboorka Somaliland


Hargeysa(ANN)Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa beenisay in Baasaboorka Somaliland (Somaliland Passaport) ay dawlada Imaraadku aqbashay. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay maanta Wasaaradda oo daba socday warar hore wargeysyada kasoo baxa Hargeysa faafiyeen.
War-saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa Saleebaan Daahir oo ah sarkaalka dhinaca xidhiidhka u qaabilsan wasaaradda, ayaa u qornaa sidan:-

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay halkan ku beeninaysaa war lagu faafiyey qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka oo sheegaya in Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu (UAE) ay aqbashay in dalkeeda lagu galo Passport-ka Somaliland.
Arrinta aqbalaadda Passport-ku waa mid aannu ku gudo jirro hawshiisa balse weli ma jirto aqbalaad laga helay xagga dawladda Imaaraat-ka; warka arrintaa laga qorayna waa mid aanay waxba ka jirin
Waxa xusid mudan in dhawaan Madaxweynaha JSL Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhawaan u magacaabay Mudane Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo isaguna haatan ku guda jira dardargelinta hawlaha xafiiska iyo arrimaha khuseeya xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Imaraat-ka.
Waxay labada wadan ee Somaliland iyo Imaaraatku wadaagaan xidhiidh soo jireen ah iyo iskaashi dhinaca taageerada, ganacsiga iyo dhinacyo kaleba leh. “ ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post