X
    Categories: Warar

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay U Safraan Ethiopia

Araweelo News Network

Washington(ANN) Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Dalka Ethiopia sababo la xidhiidha dhinaca amaanka.
Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka, waxa laga dayriyay xaaladda ammaanka ee Ethiopia, iyadoo warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay in qalalaasaha Ethiopia kajira iyo xaaladda Bandawga ah ee xukuumaddu soo rogtay ay halis gelin karaan nolosha dadka u dhashay Maraykanka ee ku sugan iyo kuwa doonaya inay u safraan.

Afhayeen u hadlay dowladda Mareykanka, ayaa muwaadiniinta Mareykanka kula taliyay in aanay tegin, amma u dhowaan goobaha lagu kulmo ee magaalada Addis Ababa, sidoo kale wuxuu uga digay dadka qorshaynaya inay u safraan Ethiopia inay joojiyaan safarkooda.

Maalmo ka hor haweenay Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay duleedka magaalada Addis Ababa, halkaasi oo ay dad cadhaysan ku xoomeen warshado iyo gooba ganacsi oo dad ajaanib ah leeyihiin.

Kacdoonka shacbiga ee sii xoogeysanaya iyo xaaladda Bandawga sedaxda bilood ah ee xukuumadda Itoobiya soo rogtay ayaa sababay in dadka ajaanibta ah ay wadankaasi isaga firxadaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post