X
    Categories: Warar

Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda Somaliland Oo Laga Mamnuucay Saxeexa Qandaraasyada

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Guddiga Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka mamnuucay Wasaaradaha iyo hay’adaha madaxbannaan ee xukuumadda inay saxeexaan qandaraasyo aan lala ogayn.
Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Md. Shariif Abokor Dhuux-yare oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shalay, ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawliga ahi aanay awood u lahayn inay saxeexaan qandaraasyo aanay ka war hayn Guddiga Qandaraasyadu.
Isagoo arrintaa ka haldayeyna waxa uu yidhi, “Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu u igmaday baahinta iyo qabashada qandaraasyada qaranka guddi uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland, taas oo uu Madaxweynuhu caddeeyey shaqada ay qaranka ku hayso guddiga. Sidaas darteed, Guddiga Qandaraasyadu waxay ku wargelinaysaa madaxda inay joojisay warqaddii ay ku ogolaan jirtay ee looga bartay in xafiiskani bixiyo ee ahay mashruuc ay hay’ad ama wasaarad ka mid ah kuwa dawladdu ay sii ogolaatay oo iyadu dadkii u tartamayey ay tartansiisay ama iyadu qofkay la jeclaysatay ay siisay, laakiin laga bilaabo maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 05/09/2016 Guddiga Qandaraasyadu way joojisay bixintii warqaddaasi ay ku ogolaan jirtay mashruuc aanay iyadu bixin.”
Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyadu waxa uu xusay inuu sharci noqonayo oo keliya mashruuc ay iyagu guddi ahaan qandaraaskiisa bixiyeen, “Wixii hadda ka dambeeya Guddigu waxay ogolaan doontaa oo keliya qandaraas ay iyadu qabatay oo ay si caddaalad ah ugu tartansiisay dadka danaynaya qandaraaska ee muwaadiniinta ah,” ayuu yidhi Shariif Abokor.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post