X
    Categories: Warar

Warsidaha East Africa Business Week oo Waraysi Muhiim ah la yeeshay Maareeyaha Guud ee Shirkadda DAHABSHIIL

Abdirashiid Dahabshiil

Maareeyaha Dahabshiil oo Ganacsatada Afrika u soo Jeediyey inay Da’yarta u Abuuraan shaqooyin

Kampala(ANN(-Maareeyaha Xawaaladda Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa sheegay in xawaaladuhu ay saacidaan isla markaana ay ku tiirsan yihiin dad badan oo Afrikaan ahi.

Maareeye Cabdirashiid Ducaale oo u warramay Warsidaha East Africa Business Week, ee dalka Uganda, ayaa sheegay in Xawaaladuhu ay dhaqaale badan soo geliyaan dalalka Afrika, isla markaana ay koriyaan ganaciga gaarka loo leeyahay.

“Dhaqaalaha Afrika xaqiiqo ahaan wuu xoogaysanaya,iyadoo kala duwanaanshaha ganacsigu u nugleynayo inuu hoos u dhaco,”ayuu yidhi Cabdirashiid Ducaale.

Warsidaha East Africa Business Week wuxuu weriyey in shirkadda Dahabshiil ay hormuud u tahay Xawaaladaha Afrika, oo ay ka shaqeeyaan dad ku dhow 5 kun oo qof oo ka hawlgala 150 dal, waxana xarumahooda waaweyn ka mid ah kuwa ay ku leeyihiin London, Dubai, Somaliland, Somalia iyo Kenya, waxana adeegsada Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha bini’aadanimada oo ay ku jiraan kuwa Qarammada Midoobay, Oxfam, DAI iyo Save the Children.

Mr. Cabdirashiid Ducaale wuxuu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ka mid noqdeen dadka maalgashanaya Afrika.

Maareeyaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil waxa uu xaqiijiyey in qurbajooga dalalka Afrika ay sannadkii hore u direen dalalkoodu dhaqaale ku dhow $40 Bilyan oo Doollar, waxaanu xusay in lacagahaasi ay siyaabo kala duwan maalgelin u noqotay.

Mr. Cabdirashiid Ducaale waxa uu ku dooday in caqabada ugu weyn ee haysata dalalka Afrika ay tahay shaqo la’aanta da’yarta, waxaanu xusay inuu u arko in ay shirkadaha Ganacsigu shaqooyin u abuuraan dhallinyarada, kadibna xooggooda ay ka faa’iidaystaan mustaqbalka.

Maareeyaha Guud ee shirkadda Dahabshiil waxa uu caddeeyey inay boqolkiiba shan ka mid ah faa’iidooyinkooda ay ku maalgeliyaan horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan Dugsiyada, Cisbitaalada, Beeraha iyo fayo-dhawrka magaalooyinka Afrika ee ay ka hawlgalaan.

 East Afrika Business Week, waxa uu sheegay in shirkadda Dahabshiil ay baankii u horreeyey ee caalamiya ka furtay Somaliland sannadkii 2009kii, sidoo kalena ay sannad kadib Baan Islaami ah ka fureen Jabuuti,halka ay sannadkii 2010kii Somaliland ka hirgelisay shirkadda isgaadhsiinta ee Somtel oo ah shirkad isgaadhsiineed oo ka shaqeysa gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post