X
    Categories: Warar

Wareegto Madaxweynaha Somaliland Kusoo Celiyay Gacanta Dawladda Shaybaadka Shidaalka Haamaha Berbera

Madaxweyne Muuse Biixi

ย 

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-201/092018, uu maanta ka soo saaray la-wareegidda shaybaadka shidaalka Haamaha Berbera.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

La-wareegidda Shaybaadka Shidaalka Haamaha Berbera

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 12aad iyo 31aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda;

Markaan Arkay: Heshiiska ku taariikhaysan 19/09/2015 ee ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS), ujeeddadiisuna ahayd Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Dekedda Berbera;

Markaan Arkay: Muhiimadda ay leedahay xaqiijinta iyo hubinta tayada shidaalka dalka soo galaya, si loo ilaaliyo hantida iyo dhaqaalaha shacabka Somaliland;

Markaan Garawsaday: In heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Haamaha ee Dekedda Berbera aanu ka turjumayn danta guud, isla markaana aanu la jaan-qaadi karin hab-sami u socodka adeegyada baadhitaanka iyo dhawridda tayada shidaalka la soo dejiyo ee Haamaha Shidaalka Berbera;

Markaan Helay: Talo soo jeedinta Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Heer Qaran iyo talo-bixintii sharci ee heshiiskii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS);

Waxaan Goโ€™aamiyey;

1) In la buriyey heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ku taariikhaysan 19/09/2015, kaas oo ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS).

2) In Xukuumaddu ay gabi ahaanba la wareegtay, si sharciga waafaqsan, maamulka, iyo lahaanshaha qalabka iyo hantida Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ay hore u lahayd shirkadda (ITSS).

3) In Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranku ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadda ITSS ku maalgelisay Shaybaadka Haamaha Shidaalka Berbera.

4) In lagu wareejiyo Shaybaadhka Shidaalka Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post