X

Wareegto Madaxweynaha Somaliland Ku Magcaabay Badhasaabyada Gobollada Dalka

WAREEGTO MADAXWEYNE

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 11/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-027/012025 uu ku magacaabay Badhasaabada Gobollada Dalka iyo ku-xigeenadooda.

Wareegtada Madaxweynuhu waxay u dhignayd Sidan;-

Wareegto Madaxweyene

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Badha-saabyadu ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;

Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan:

1 Proff Axmed Maxamed Cadaad Badhasaabka Gobolka Maroodijeex.

2 Wali Cabdi Jaamac Kheyrre
Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Maroodijeex.

3 Muxummad Xasan Jaamac (Xoday) Badhasaabka Gobolka Awdal.

4 Daahir Axmed Jaamac Buraale Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal.

5 Maxamed Daahir Cabdalla Gaafane Badhasaabka Gobolka Saaxil.

6 Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) Badhasaabka Gobolka Togdheer.

7 Siciid Axmed Maxamed Raage Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Togdheer.

8 Axmed Faarax Cismaan Cabdi Badhasaabka Gobolka Sool.

9 Naaleeye Axmed Jaamac Liibaan Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Sool.

10 Saalax Yuusuf Diiriye Guuleed Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Sanaag.

11 Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh) Badhasaabka Gobolka Gebilay.

12 Cabdirisaaq Axmed Muxummad (Huuno) Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Gebilay.

13 Proff Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare) Badhasaabka Gobolka Saraar.

14 Maxamuud Warsame Geeddi (Hilbayare) Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Saraar.

15 Cabdi Siciid Faahiye Allaale Badhasaabka Gobolka Salal.

16 Cismaan Cumar Nuur Aare Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Salal.

17 Cabdisalaan Maxamed Xasan Maxamed Badhasaabka Gobolka Badhan.

18 Cali Maxamed Axmed Cadami Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Badhan.

19 Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) Badhasaabka Gobolka Hawd.

20 Ayaanle Maxamuud Raage Qaalib Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Hawd.

21 Fu’aad Cabdi Diiriye Maxamed Badhasaabka Gobolka Xaysimo.

22 Maxamed Dayib Yuusuf Aadan Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Daadmadheedh.

23 Mustafe Ibraahim Axmed Faarax Badhasaabka Gobolka Buuhoodle

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post