X
    Categories: Warar

Warbixin: Tobanka Dal Ee Haya Qaxootiga Ugu Badan Adduunka

Araweelo News Network

Toban dal oo dhaqaalahoodu aad u yar yahay, isla markaana celcelis ahaan dhaqaalahoodu ka noqonaayo caalamka 2.5%, ayaa haya in ka badan kala badh qaxoontiga dunida sida ay sheegtay hay’adda Amnesty International oo xuquuqal-insaanka u dooda.
Waxa hay’addu ku eedaysay dalalka dhaqaalahoodu sarreeyo in ay waddamada saboolka ah ku eegeen in ay u dhabar adaygaan dhibaatada qaxoontiga iyagoo aan dhaqaale ahaan tahli karayn.
Warbixin la daabacay Salaasadii toddobaadkan, ayaa Amnesty International ku sheegtay in qaxoontiga caalamku sii badanaayo, waddamada waaweyna ay ka gaabiyeen in ay wax kala qabtaan dalalka soo koraya. Waxa ay hay’addu xustay in qaxoonti aad u badan naftooda ku biimeeyaan inay gaadhaan Yurub iyo Australia.
Kooxdan xuquuqal-insaanka u dooda oo xaruntoodu tahay magaalada London, waxay sheegeen in 56% qaxoontiga adduunka ah oo noqonaya 21 milyan oo qof ay joogaan toban dal oo ku yaal Bariga Dhexe, Afrika iyo Koonfurta Eeshiya.
Dalka Urudan waxa uu hayaa in ka badan 2.7 milyan qaxoonti ah, waxaana loo aqoonsaday in ay taay dalka qaxoontiga ugu badan haya, halka Turkiga oo ku xigaa uu hayo 2.5 milyan, Pakistan 1.6 milyan qaxoonti ah baa jooga, Lubnaan in ka badan 1.5 milyan qaxoonti ah baa ku sugan.
Lixda dal ee hadhay waa Iran, Itoobiya, Kenya, Uganda, Jamuuriyadda Dimoqraadiga Koongo iyo Jaad (Chad).
“Dalal aad u yar ayaa looga tegay in ay wax badan qabtaan, sababtoo ah waxa ay jaar la yihiin dalal rabshado ka jiraan. Xaaladda noocaas ah dhaqan ahaan waa mid aan lagu sii waari karin, waayo qaxootiyada ka yaacaya dagaallada iyo xad-gudubyada sida Suuriya, Koonfurta Sudan, Afghanistan iyo Ciraaq waa silica an loo dulqaadin Karin.” Sidaa waxa yidhi Salil Shetty oo ah Xoghayaha Guud ee Amnesty.
Sidoo kale, hay’addu waxay xustay in dalalka dhaqaalahoodu sarreeyaan ay qaxoonti yar magangeliyeen, isla markaana wax yar u qabteen, taasna ku ceebaysan yihiin. Tusaale, ahaan waddanka Ingiriiska waxa uu hayaa 8,000 Suuriyaan ah oo ilaa 2011 galayey, iyadoo Urdan dhaqaale ahaan aad uga yar yahay Britain, haddana waa dalka ugu horreeya xagga gacan ku haynta qaxootiga.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post