X
    Categories: Warar

Warbixin Qarammada Midoobay Kaga Hadashay Doorashooyinka Somaliland Ee Dib U Dhacay

Araweelo News Network


New York (ANN)-Qarammada Midoobay, ayaa shaacisay warbixin ka hadlay doorashooyinka Somaliland ee dib u dhacu ku yimi iyo tirada dadweynaha isu diiwaangelinyey codbixinta doorashooyinka Somaliland ee dib u dhacu ku yimi.

Warbixinta oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (Security Council), waxa soo saaray Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Mr. António Guterres, waxaana inta badan lagaga hadlay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga, Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia, dhinaca dhaqaallaha iyo arrimaha Doorashooyinka ee ka socda.

Balse waxa qayb yar oo ka mid ah warbixintaa lagaga hadlay Doorashooyinka Somaliland, iyadoo si gaar ah loogu soo qaatay diiwaangelintii codbixiyayaasha ee laga sameeyey dalka Somaliland, taasoo la soo gunnaanaday bishii September 2016-kii, waxaana lagu yidhi, sidan:-

“18-kii bishii September 2016 kadib muddo ilaa siddeed bilood ah Somaliland waxay hirgelisay diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ay ugu diyaargaroobayso doorashooyinka Baarlamankeeda iyo Madaxtooyadeeda. Ilaa 850,000 (siddeed boqol iyo konton kun) oo codbixiye ayaa la diiwaangeliyey oo ay ku jiraan markii ugu horreysay taariikhda dhulka lagu muransan yahay ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (Buuhoodle), balse waxa isku dhacyo ku dhexmareen ciidammada Somaliland iyo kuwa Puntland bariga Sanaag, 18-kii bishii July, iyadoo ay ku dhinteen shan qof, laakiin wadahadallo toos ah oo dhexmaray labada dhinac ayaa horseeday inuu joogsado isku dhacu, waxana halkaasi si guul ah uga hirgalay diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland,” ayuu Ban Ki-moon ku yidhi warbixintiisa oo uu Golaha Ammaanka ka hor akhriyey 9-kii bishan January 2017.
Waxa kaloo Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay ka hadlay dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka Somaliland, gaar ahaan kala qaadistii labada doorasho ee Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada, waxaannu yidhi, “Doorashooyinka Baarlamanka iyo Madaxtooyada oo ayaa hore ugu qorshaysnaa in la qabto 28 March 2017. Haseyeeshee, Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto uu soo saaray 10-kii September dib ugu dhigay doorashada Baarlamanka ilaa muddo aan cayinayn, iyadoo sababta ugu wayn tahay baahi loo qabo in dib-u-eegis lagu sameeyo kuraasida saamiqaybsiga gobollada Awdal, Sool iyo bariga Sanaag, waxaanay madaxda Somaliland ilaa waqtigaasi iska dhego-marinayaan baaqyo uga imanaya xisbiyada mucaaradka, ururrada bulshada iyo beesha caalamka oo ah inay ka noqdaan go’aankaasi.”
Guddiga Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaan weli si rasmi ah u soo saarin tirada rasmiga ah ee dadka iska diiwaangeliyey gobollada dalka si ay codkooda ugu dhibtiaan doorashooyinka dalka ee soo socda, waxna xubnaha Komishanku ka gaabsadeen ka hadalka arrintan marar kala duwan oo warbaahintu wax ka waydiisay.

Halkan ka eeg warbixintaa oo dhamaystiran. Riix.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post