X
    Categories: Warar

Warbixin Daaha Ka Rogtay Tirada Bambooyinka Maraykanku Ku Garaaceen Toddoba Dadal Oo Islaam Ah Sannadkii 2016 Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Araweelo News Network

Washington (ANN)- Dawladda Maraykanka, ayaa bambooyin tiradoodu dhan tahay 26,171 (lix iyo labaatan kun, boqol iyo kow iyo toddobaatan) ku dhufatay toddoba dal oo Muslim ah oo ay duqaymo ka fuliso sannadka dhammaaday ee 2016.
Madaxweynaha Maraykanka ee toddobaadkii u dambeeyey ku jira muddo-xilkeedkiisii Barack Obama oo sidii uu hore u ballanqaaday yareeyey ciidammadii Maraykanka ee ku sugnaa dalalka dibadda ka ah, ayaa haddana dawladdiisu fulisay weerarro tiro badan oo ah duqaymo ay qaadeen diyaaro bar-tilmaameedkoodu ahaa kooxo Islaamiyiin ka jira dalal kala duwan oo Muslim ah, kuwaas oo ay u arkaan inay khatar ku yihiin ammaanka Maraykanka iyo danahooda dunida korkeeda yaal.
Haddaba, warbixinno kala duwan oo ay baahiyeen wakaaladaha wararka ugu waawayn ee dalalka reer Galbeedka oo uu soo ururiyey, soona turjumay Wargeyska Jamhuuriya, ayaa caddeeyey in sannadkan 2016 ee u dambeeyey xilka Madaxweyne Obama ay dawladdiisu u adeegsatay 26,171 bam weerraro dhanka cirka ah oo ay ku qaaday toddoba dal oo Muslim kala ah; Pakistan, Yemen, Soomaaliya, Liibiya, Afgaanistan, Suuriya iyo Ciraaq.
Sida ay wakaaladuhu ka soo xigteen Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon duqaymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone ka fuliyeen waddamadaasi iyagoo bartilmaameedsanaya kooxo xagjir ah, waxay rideen 26,171 bam, kuwaas oo weliba halkii duqaynba uu ka koobnaan karo dhawr bambo iyo hub kale, kuwaas oo tirada ugu badan loo adeegsaday dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Warbixintu waxa lagu ogaaday in diyaaradaha Millatariga Maraykanku ay maalin kasta sannadkii tagay tiro 72 bambo ah ku garaaceen kooxo dagaalyahanno ama dad shacab ah oo ku kala sugan toddobadaas dal ee Muslimka ah, taas oo macnaheedu noqonayo in saacaddii kastaba ay ridayeen afar bambo 24-kii saacadood ee maalinta.
Waxa kaloo ka soo baxay warbixintan in Maraykanku boqolkiiba 79% uu isagu fuliyey duqaymaha Cirka ee waddamada xulafada la dagaallamaya kooxda Daacish ay ka gaysteen dalalka Ciraaq iyo Suuriya sannadkii tagay, kuwaas oo Diyaaradaha Maraykanku ku dhufteen 24,287 bambo, iyadoo guud ahaan marka la isku geeyo xulafadu ku riday 30,743 bambo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post