X
    Categories: Warar

Warbixin Daaha ka Rogtay Olole Al-shabaab Qasab Kaga Dhigay Carruurta Yar Yar Inay Askar U Noqdaan

Araweelo News Network

Geneva(ANN)- Hay’adda xuquuqda aadanaha adduunka ee Human Rights Watch, ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in kooxda Al-shabaab si xoog ah ku urursanayaan carruurta ku nool degaannada ay ka taliyaan ee dalka Soomaaliya.

Warbixin hay’addu soo saartay maalintii Axadda ee toddobaadkan, ayaa farta ku fiiqday degaanno ka mid ah gobollada Bay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya oo uu si xawli ah uga socdo ololaha qasabka ah ee Al-shabaab ku askaraynayaan carruurta da’doodu ka yar tahay 15 jirka.

“Waxa jirta tuulo lagu magacaabo Buulo Fulay oo carruurta la isu geeyo, halkaas oo lagu baro manhaj cusub oo waxbarasho oo Al-shabaab soo rogeen. Waxa sidoo kale tuulada ka furan xerooyin ciidammo lagu tababaro,” ayey tidhi warbixinta Human Rights Watch.
“Carruurta xoogagga Al-shabaab hawlgalladooda ku bartilmaameedsanayaan waxa ay da’doodu u dhexaysaa 7 ilaa 15 jir, kuwaasoo haddii waalidkood u diidaan inay dhiibaan ay la kulmayaan ciqaab adag.”

Hase ahaatee, kooxda Al-shabaab kama aanay jawaabin eedaymaha loogu jeediyey askaraynta qasabka ah ee ubadka yaryar.
Warbixinta waxa lagu saleeyey waraysiyo lala yeeshay odayaasha degaanka, dad ka qaxay degaannada Al-shabaab maamulaan ee galay xeryaha dadka barakacayaasha, kuwaas oo xataa carruur ka mid yihiin.

Sidoo kale, waxa arrintaas mid la mid ah ka dhacday gobollada dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo la sheegay in carruur ka badan 300 guryahooda laga kaxaystay, lana geeyey xeryo lagu tababaro sida lagu xusay warbixinta kooxda Qarammada Midoobay ee dabogalka cunaqabataynta hubka ee waddamada Soomaaliya iyo Eritrea.
Inta badan hawlgallada Al-shabaab ku kaxaysanayaan carruurta yaryar waxa ay dhaceen sannadkii la soo dhaafay dhexdiisa.

Mid ka mid ah macallimiinta dugsiyada maxalliga ah oo meeshiisa loogu tegay, markii dambane ka cararay, ayaa ka sheekeeyey waxyaabihii uu kala kulmay Al-shabaab, “Fasalka ayey iigu yimaaddeen, waxayna rabeen 25 carruur ah oo da’doodu u dhexayso 8 illaa 15 jir. Ma aanay sheegin sababta ay u rabaan, kadibna waa ay i garaaceen carruurta hortooda. Carruurtii qaar ayaa ooyey, kadibna meesha ka cararay, wayna soo qabteen, waana gaaraaceen,” ayuu yidhi macallinkaas oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.
Haweenay ka qaxday magaalada Buurhakaba oo xoogagga Al-shababaab ka taliyaan, ayaa sheegtay in afar carruur ah oo ay dhashay arkeen arkeen 25 ka mid ah ubadka iskuulka la dhiganayey oo la kaxaystay.

Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa si ubadkooda u badbaadiyaan u diray meelaha aanay Al-shabaab ka talin, kuwaasoo qaarkood dad eheladooda la joogaan ama keligood iska galeen xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku yaal degaannada ciidammada AMISOM iyo kuwa maamulka taagta daran ee Soomaaliya gacanta ku hayaan.

Ilaa 500 carruurtaas ah oo ka baxsaday ololaha askaraynta ee Al-shabaab, ayaa la sheegay in ay magaalada Baydhabo oo keliya galeen sannadkii hore ee 2017.

Kooxda dabagalka cunaqabataynta hubka Soomaaliya ee Qarammada Midoobay, ayaa caddeeyey in Al-shabaab xidheen ilaa 45 oday oo degganaa magaalada Ceel-beer ee koonfurta dalkaas bishii June ee sannadkii hore, kadib markii sida la sheegay ay ka diideen kooxdaas inay ku wareejiyaan carruur degaankaas ku nool.
Human Rights Watch waxa ay sheegtay in ay caddaymo u heyn in carruuraha la afduubtay la geeyey goobo tababar ciidan lagu siiyo, balse waxa ay sheegtay in dadkii la waraystay intooda badan muujiyeen welwelkaas.

Waxa kaloo hay’addu xustay in dawladda Soomaaliya qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo badbaada carruurta, waxana ka mid ah in ay saxeexday qaraarka caalamiga ah ee difaaca xuquuqda carruurta, inkasta oo sharcigaas aannu weli baarlamaanka Muqdisho meel-marin.

Sharcigani waxa uu mamnuucayaa in carruuta la askareysto, iyo in laga horistaago waxbarashada ama lagu shaqaysto.

Lama oga sababta Al-shabaab carruurta yaryar u urursanayso, una askaraynayso, waxase muddooyinkan dambe soo baxayey warar sheegaya in kooxdaasi baahan tahay ciidammo dheeraad ah, kadib markii laga saaray degaanno badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya ee colaaduhu naafeeyeen muddada rubuc qarniga ka badan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post