X
    Categories: Warar

Warbixin: Afar Maalmood iyo Badh Kasta Waxa la Dilaa Hal Suxufi


Warbixin murugo leh oo ay soo saartay hay’adda Qarammada Midoobay ee UNESCO maalintii Arbacada ee toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in celcelis ahaan hal suxufi lagu dilo adduunka qiyaastii afar maalmood iyo maalin gelinkeed kastaba, arrintaas oo muujinaya dhibaatooyinka haysta dadka ku shaqayee mihnadda saxaafadda.
Sida lagu sheegay warbixinta, tobankii sanno ee u dambeeyey waxa dunida lagu dilay 827 suxufi oo waajibaadkoodii shaqo ku guda jira, isagoo Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO uu caddeeyey in meelaha ugu badan ee lagu dilay weriyeyaashaasi yihiin dalalka Carabta oo ay ku jiraan Suuriya, Ciraaq, Yemen iyo Liibiya. Sidoo kale, Laatin Ameerika waa goobta labaad ee ugu xun ee suxafiyiinta lagu dilo.
Warbixnta ammaanka iyo khatarta saxaafadda lagaga hadlay (Safety of Journalism and the Danger of Impunity report), waxa kaloo lagu sheegay in dhimashada ugu badan ay 59% dhacday labadii sanno ee u dambeeyey ee 2006 iyo 2015, taasoo ka dhacday goobaha colaaduhu ka socdaan. Sannadkii 2013 oo la dilay 78 suxufi waxa 36.5% ka mid ah lagu dilay dalalka Carabta ee colaaduhu ka socdaan.
Qaylo-dhaanta ugu badan waxa ay ka timmi korodhka dilka suxufiyiinta galbeedka Yurub iyo woqooyiga Ameerika ka soo jeeda oo bilaabantay 11-kii sanno ee u dambeeyey, balse warbixintu waxay xustay in suxufiyiinta maxaliga ah ay khatarta ugu badan ku sugan yihiin, iyagoo 90% ah dhibbanayaasha ah, laakiin waxa jira xaddi aad u badan oo u dhexeeya suxufiyiinta ajnebiga ah ee la dilay 2014 oo ahayd 17 suxufi, marka la barbardhigo sannadkii hore oo celcelis ahaan afar weriye la dilay.
“Sannadkii hore suxufiyiinta online (dhinaca internet-ka) ku shaqeeya ayaa loogu dilis badnaa, iyadoo la dilay 21 weriye, marka loo eego laba kaliya oo 2014 la laayey,” ayey tidhi warbixinta oo sidoo kale sheegtay in ragga suxufiyiinta ah ee la laayo ay toban jeer ka badan yihiin dumarka. “195 suxufi oo la dilay sannadihii 2014 iyo 2015 waxa dumar ahaan 18 kaliya.”
“Baaxadda khatarta suxufiyiintu wajahayaan aad bay u badanaysaa oo 827 suxufi ayaa rikoodhka ku jiray oo UNESCO diiwaangelisay tobankii sanno ee u dambeeyey. Waxa kaloo raacaya xad-gudubyada khatarta ah ee suxufiyiinta lagula kaco, kaasoo ay ku jiraan afduub, xadhig sharci-darro ah, jidh-dil, cago-juglayn iyo cabudhin,” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Warbixintan UNESCO qortay waxa codsaday 39 dal oo xubno ka ah Golaha UNESCO’s Intergovernmental Council.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post