X
    Categories: Warar

Wararkii U Danbeeyay Ee Suldaan Wabar Iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Oo Ka Hadlay

Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa ka hadlay weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday Guriga Badhasaabka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), weerarkaa oo lala xidhiidhiyay Suldaan Abubakar Cilmi (Wabar) iyo malayshiyadiisa, isla markaana sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Warancade oo shir jaraaid maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in kooxda Suldaan Wabar ay dhabarka soo taabato dawlada Somaliya oo uu sheegay inay jeceshahay inay Somaliland noqoto mid ay isku eekaadaan dalka Somalia ee colaaduhu hadheeyeen.
Warancade, wuxuu ugu Baaqay kooxdaa inay isu soo dhiibto Ciidamada nabadgalyada Somaliland, isagoo yidhi, “”waxaan ugu baaqayaa Kuwa yar ee ka sii midka ah kooxda suldaan weber ee lagu daba jiro waxan u soo jeedinayaa inay isu dhiibaan ciidamada nabad galyada somaliland intaanay naftoodu khal-khal galin ”.ayuu yidhi Wasiir Waran Cade.

Dhinaca kale Kooxda loo tirinayo weerarka, oo marar baddan ka gaysatay weeraro khasaare dhaliyay deegaankaa, ayaa weeraradooda lagu macbeeyay kuwo la doonayo in nabadgelyda Somaliland wax loogu dhimo, waxaana jira warar sheegaya in dhinaca Ethiopia oo Kooxda dablayda ahi ku dhuumaalaysanaysay hadda culuys weyni kaga yimi, isla markaana qaar kamid ah malayshiyadaa lagu qabtay deegaanka Aw-Barre ee gudaha Ethiopia , iyadoo dawlada Ethiopia amar kasoo saartay inuu ka baxo xadkeeda, taas oo uu ku sheegay Suldaan Abubakar cajalad Video laga soo duubay inuu aqbalay, isla markaana dhinaca xadka Somaliland usoo talaabay.

wixii ka danbeeyay weerarkii ay todobaadkii hore ku qaadeen guriga Badhasaabka Awdal, waxaana weerarkaa loo xidhay Maayarkii hore ee Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo ku dhowaad labaataneeyo qof oo isugu jira ganacsato, Odayaal iyo dhalinyaro.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post