X
    Categories: Warar

Wararkii U Danbeeyay Ee Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Safray Kala Badh Wadada Ceergaabo Oo La Dhamaystiray

Madaxweyne Siiilaanyo oo lugaynaya wadada dhismeheedu socdo ee Ceergaabo

Ceel-Afweyn(ANN)Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ee socdaalka ku marayey maalmahan gobolada bari ee dalka, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey jiidaha u dhexeeya Burco ilaa Ceel-afweyn. Kaddib markii ay wefdiga Madaxweyne Siilaanyo saaka ka boqooleen magaalada Burco oo ay xalay u hoydeen.

Kolanyada Wefdiga Madaxweynaha

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa, ayaa markii ay gaadheen Tuulada ina-afmadoobe oo ahayd halkii laga bilaabay wadada ceerigaabo, waxay kolanyadii baabuurtu cagta saartay markii ugu horaysay waddo laamiya, isagoo kormeeray wejigii kowaad ee wadada ceerigaabo oo la hirgeliyey 150km, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo oo hore u dhagax dhigay, isla maantana ku safray wejigii kowaad ee la dhamaystiray wadadaa oo uu ku amaanay gudida wadada Ceerigaabo ee loo xilsaaray, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo xilkooda ka soo baxay, balse aan weli dhamaystirin jidkaa haseyeeshe ay ka muuqato dedaal iyo kartidii ay ku dhamaystiri lahaayeen.

Qalabka wadada Ceergaabo

Dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa, wuuxuna kormeeray mudadii uu ku jiray safarka goobaha shaqada laga maamulo iyo qalabka wadada ee ay degan yihiin shirkaddaha gacanta ku haya wadada Ceergaabo, wuxuuna ku dhiirigeliyey shaqaalaha iyo masuuliyiinta ku guubaabiyay sidii ay hawshaa uga soo dhalaali lahaayeen ee wadada loo dhamaystiri lahaa, isagoo xusay ahmiyada ay dalka iyo dadkaba u leedahay wadada Ceergaabo iyo in aan laga caajisin hawshaa.

Madaxweyne Silanyo oo koremeeya wadada Ceergaabo

Muuqalka wadada dhismeheedu socdo ee ceergaabo

Degmada Gar-adag, ayaa Madaxweyne Siilaanyo lagu guddoonsiiyay Geenyo lamaan oo hada dhashay, waxayna Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa caawa u hoydeen degmada Ceel-afweyn oo la filayo inuu bari uga sii wato safarkiisa dhinaca Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post