X
    Categories: Warar

Wararkii U Danbeeyay Ee Dagaalka Al-shabaab Iyo Ciidamada Maamul goboleedka Puntland

Araweelo News Network

Garoowe (ANN)Deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal ee Puntland, ayaa waxaa mar kale ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.
Ilaa hadda lama hayo qasaaraha dhabta ah ee labada dhinac kala gaadhayd,balse maamul goboleedka Puntland ayaa shalay qaylodhaan u dirsaday dalalka gobolkaa iyo beesha caalamka.

Genaral Muxyadiin Axmed Aw-Muuse, oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka, ayaa BBC u sheegay in dagaalka oo bilowday saaka aroortii hore, welina uu socdo.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay in ay guulo ka gaadhay dagaalka oo ay gaadiid iyo hub ka qabsatay ciidamada Punt land, isla markaana ay dagaalka ku dileen sarkaal sare oo punt land.

Dhinaca degmada Bandar-beylla ee xeebta ku teedsan wali xaalad hubanti la’aan ah ayaa kajirta, guddoomiyaha degmadaasi ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga Al Shabaab ay ku suganyihiin hareeraha degmadaasi.
Kooxo hubaysan oo loo haysto in ay ka mid ahaayeen kooxda Al-Shabab ee ka jirtay deegaanada ka baxsan Puntland ee dhinaca koonfurta Soomaaliya, ayaa deegaanno ka tirsan Puntland gaadhay maalintii Isniinta lasoo dhaafay.

Doonyo ay saaran yihiin ciidamadan hubaysan ayaa ka degay xeebaha degmada Garacad ee Puntland, kuwaas oo qayb ka mid ah ay u dhaqaaqday deegaanno gudaha ah.
Lama oga ujeedka dhabta ah ee ciidamada hubaysan ee ka tirsanaa al-Shabab ay u galeen Puntland, balse Kooxda Al-shabaab ayaa markii ugu horreysay ka hadashay duullaan dagaalyahannadooda aad u hubaysan dhinaca badda kaga qaadeen degaanno kala duwan oo ku yaal xeebaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland.
Warbaahinta taageera Al-shabaab ayaa baahiyey shalay in xoogag ciidankooda ka tirsan oo doonyo kaga tegay gobollada koonfurta Soomaaliya ay dagaallo qadhaadh kula jiraan ciidammada Puntland ee ku sugan degaannada Gobolka Nugaal, isla markaana dagaalyahannadoodu ku sii siqayaan magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas, iyagoo intaa ku daray sida ugu dhaqsaha badan u soo bandhigi doonaan natiijada dagaallada iyo hawlgalladooda cusub ee Puntland.

Boqollaal ka tirsan Alshabaab ee ka dagaallamaya degaanka Suuj waxa ay labo maalmood ka hor doonyo ku tageen tuulada Garracad oo ka tirsan Gobolka Mudug, waxaanay halkaas ka baxeen socdaal lug ah subaxnimadii Salaasada, iyadoo la sheegay inay ku sii jeedaan buuraleyda Galgala oo hore Al-shabaab u joogeen, iyadoo Bishii October ee kal hore dagaalyahanno ka tirsanaa al-Shabaab oo horay ugu jiray buuralaha Galgala ee Puntland Soomaaliya, ku dhawaaqeen in ay daacad u yihiin kooxda khilaafada Islaamka ama.

Si kastaba ha ahaatee illaa hadda ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaallada ciidammada Puntland iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaannada Suuji ee Gobolka Nugaal, kaas oo labada dhinacba guulo ka sheeganayaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post