X
    Categories: Warar

Waraabayaal Dad Ku Cunay Deegaanka Xeebta Lughaya Iyo Cabsida Soo Waajahday Bulshada Ku Dhaqan

Araweelo News Network

Waraabe

Lughaya(ANN)-Raxan Waraabayaal ah, ayaa habeenadii u danbeeyay Weerrar ku hayay Dadka deegaamada Xeebta ee Lughaya, waxayna meelo kala duwan oo Ka tirsan deegaankaa ku cuneen saddex qof.

Caaqil Xuseen Mardi Rayaale oo ka tirsan dadka deegaanka ayaa u sheegay shebekada Araweelo News Network in deegaanka Cabdi Geedi meel u jirta Qiyaastii 1km Waraabe ka qaatay gabadh Yar oo 2 Jir ah oo magaceedu ahaa Raaxo Hulaac Mahdi oo goor habeen ah 2 Oct 2017, hooyadeed oo magaceedu yahay Raxma Yaasiin Xasan la huruday.

Caaqil Xuseen, wuxuu sheegay in markii laga daba tegey Waraabaha lasoo helay qaybo jidhkeeda ka mid ah. Sidoo kale wuxuu sheegay in 1 Oct 2017, Waraabe ku Cunay deegaanka Kalawle Nin wadaad ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cumar Buuni oo 45 Jir ah.

Sidoo kale deegaanka dhuxusha oo 7KM u jirta Lughaye, wuxuu Waraabe ku cunay Yurub Ibraahin Cali oo 8 Jir ah oo magaca Hooyadeed lagu sheegay Muumina Siciid, balse waa laga riday waraabaha iyadoo dhaawac ah.

Caaqil Xuseen, wuxuu sheegay markaa wixii Ka danbeeyay Dadka deegaanku Weerrar ku qaadeen waraabayaasha, iyadoo laga dilay 3 Ka mid ah waraabaha, balse waxa uu sheegay in waraabayaashu isu habar wacdeen, taasoo uu sheegay Inay Dadka deegaanka Cabsi weyn ku abuurtay oo aanay caruurta Iyo  dumarku Guryaha kasoo bixin haddii gabalku dhaco, wuxuuna ugu baaqay Inay xukuumadda Somaliland oo ay qayladhaan usoo direen aanay wax jawaab ah ka helin, Isla markaana ay mar labaad ugu baaqayaan xukuumadda in loo soo gurmado dadkaa waraabuhu khatarta ku hayo.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post