X
    Categories: Warar

War-murtiyeed Ka Kooban Sagaal Qodob Oo Laga Soo Saaray Shirweynihii Warbaahinta Somaliland

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo

Hargeysa(ANN)-Shirweynihii Qaran ee Warbaahinta Somaliland oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana gebagebadii shirka maanta laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 9 qodob,

Qodobbada kasoo baxay Shirweynaha oo ay wada-jir u soo saareen Wasaaradda Warfaafinta, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja iyo Ururka Hablaha Suxufiyiinta ah ee Wija.


Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa gebagebadii Shirkaa ka akhriyay qodobbada oo u dhignaa sidan:-

1- Warbaahintu inay si mug leh ugu dhug lahaato kaalinta muhiimka ah ee ay ku leedahay horumarinta wadaniyadda, ilaallinta qaranimadda Somaliland, horumarinta iyo wada noolaanshaha bulshadda reer Somaliland.


2- In si midaysan looga qaybgallo tobabarta, dhawrida xormadda suxufiga iyo helida dhammaan baahiyaha maqan ee warbaahinta reer Somaliland.


3- In aan si sharciga baalmarsan loo xidhi Karin loona dhibaateyn Karin saxafiyiinta ka hawlgalla warbaahinta kala duwan ee Somaliland.


4- In warbaahinta Somaliland dhan uga soo wada jeesato suxufi kasta oo ku xadgudba qawaaniinta iyo akhlaaqiyaadka warbaahinta Somaliland.


5- In la dadajiyo dhamaystirka xeerka saxaafada Somaliland, iyadoo ay ka wada shaqaynayaan bah wadaagta ay khuseyso hawshani.


6- In warbaahintu ay ciyaarto kaalinteeda ay ku leedahay horumarinta iyo ilaalinta Af Soomaaliga.


7- waxa shirweynuhu xusay heerarka kala duwana ee ay soo martay warbaahinta Somaliland iyo heerka ay maanta marayso, waxay aqoonyahanka shirweynaha ka soo qaybgalay isla wada qireen in warbaahinta Somaliland samaysay horumar la taaban karo, isla markaana ay jiraan caqqabado u baahan in la waajaho.


8- In saxafada Somaliland ku mushqiilin arrimaha siyaasada oo kaliy ee ay qaadato doorkeeda la xidhiidha arrimaha bulshada ka wacyigelinta bulshada qabyaalada iyo la dagaalanka maan dooreyaasha iyo dhaqan xumidda.

9- In warbaahinta Somaliland aanay fursad siin cid kasta oo waxyeelo u gaysanaysa wada jirka bulshadda, nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland guddo iyo dibadda.

Dhammaad.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post