Araweelo News Network
Pyongyang(ANN)-Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa uga digtay Mareykanka in haddii uu weerrar kusoo qaado dalkiisa inuu qaadi doonto tallaabo naxariis la’aan ah oo ay isku difaacayso haddiiba ay muuqato astaan weerrar oo uu Mareykanku la maagan yahay.
Digniinta Kuuriyada Woqooyi, ayaa kusoo beegantay kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi, Ri Yong Ho, uu khudbad ka jeediyay Qaramada Midoobay uu sheegay diyaaradaha Mareykanka ee bambooyinka rida ee B-1B oo ay galbinayaan diyaaradaha dagaalka ee Koonfurta Kuuriya ay dul mareen biyaha bariga Kuuriyada Waqooyi.
Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, ayaa Pentagon-ka ka sheegay in diyaaradaha Mareykanku ay dul mareen cirifka shishe ee waqooyi Kuuriya, halkaas oo sida uu sheegay ka baxsan xeebaha Kuuriyada Waqooyi.
Khudbad uu Qaramada Midoobay ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayuu ku sheegay in Mr Trump uu yahay in nin ‘caqligiisu aanu taam ahayn’.
Waxa uu sheegay in si kasta oo cunaqabatayn adag ay Qaramada Midoobay dalkiisa ugu soo rogto ay Pyongyang sii wadi doonto barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.
Ruushka iyo Shiinaha, ayaa labaduba waxa ay ku baaqeen in la soo afjaro hadallada kulul ee sii kordhaya ee ay isdhaafsanayaan labadaasi dal.
Dhanka kale Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump, ayaa waxa uu ku eedeeyay Waqooyiga Kuuriya iyo Iiraan inay wada shaqeeyaan, saacado kaddib markii Tehraan ay sheegtay inay tijaabisay gantaal cusub oo ridadiisu ay meel dhexaad tahay.