X
    Categories: Warar

Waqooyiga Ameerika: Dal Ogolaaday in Haweenka Muslimka ah oo Xijaaban ay Noqon Karaan Ciidanka Booliska

Araweelo News Network

Dalka Kanada (Canada) ee Waqooyinka Ameerika, ayaa ogolaaday in haweenka muslimka ah oo xijaabkooda xidhan amma jidhkoodu asturan yahay ay ka mid noqon karaan ciidanka booliska ee loo yaqaan Royal Canadian Mounted Police.
Xukuumadda Kanada, ayaa go’aankan ku dhawaaqday Salaasadii toddobaadkan, iyadoo arrintan dhiirigelin karta in haween badan oo muslim ah ay ku biiran ciidammada booliska.
“Taliyaha ciidammada Royal Canadian Mounted Police ayaa ansixiyey in haweenku xidhan karaan xijaabka, waqtiyada ay shaqada ku jiraan, waxaana looga gol leeyahay arrintan in lagu dhiirigeliyo kala duwanaanshaha bulshada, gaar ahaan haweenka Muslimka ah oo loo tixgelin doono arrintan,” ayuu yidhi Afhayeen u hadlay Wasaaradda Badbaadada Shacabka Kanada Mr. Scott Bardsley oo la hadlay AFP oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay.
Ciidammada Booliska (royal Canadian Mounted Police) oo inta badan xidha dhar cascas, kabo maas ah iyo koofiyad weyn, waxa ay calaamad u yihiin dalka Kanada oo ay muujiyaan taariikh hore oo dalkaas soo maray, taasoo dib ugu noqonaysa ilaa sannadkii 1800-kii, kadib markii ciidammada RCMP ay ka dagaalameen waqooyiga galbeed, halkaas oo ay ku fidiyeen sharciga iyo kala dambaynta, gaar ahaan gobollada bari ee dalka Kanada oo waqtigaas ahaa meelo baadiye ah oo dadkoodu aanay sharciga aqoon.
Ciidammadan waxa ay noqdeen kuwo indhaha dadka soo jiita, kadib markii ay sannadkii 1990 loo ogolaaday qoomiyadda Sikh amma Hindida Madaxa duubata in ay saraakiil ka noqdaan, iyagoo duubkooda xidhan, waxaanay taasi hormood ka noqotay in sharciyo dalka Kanada uga yaalay ciidankan la beddelo, lana dabciyo.
Sida saraakiisha dawladda Kanada sheegeen waxa la tijaabiyey saddex xijaab ka hor intii aan la ogolaan oo ay sheegeen in ay suuragal u tahay ciidammada booliska inta ay shaqada ku jiraan, kuwaasoo laga doortay mid fudud oo si degdeg ah qofku isaga saari karo haddii carqalad la kulanto, ilaa hadda wali si rasmi ah looma ogolaan sarkaalna inuu xidho niqaamka ilaa inta laga gaadhayo sannadka cusub oo sharcigan hirgalayo.
Dalalka Ingiriiska, Sweden iyo Norway iyo gobollo ka mid ah Maraykanka, aya siyaasad la mid ah tan oo kale ku soo dejiyey booliskooda si loo ogolaado in haweenku xidhan karaan xijaabka ay isku asturaan dumarka muslimka ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post