X
    Categories: Warar

Walaac Laga Muujiyay Qorshe Xukuumaddu Laydhka Berbera Ugu Wareejinayso Shirkad Gaar Loo Leeyahay

Berbera(ANN)Shirkadda Berbera Power Service (BPS), ayaa walaac ka muujisay qorshe xukuumadda Somaliland shirkado gaar loo leeyahay ugu wareejinayso maamulka warshadda laydhka ee magaalada.
Guddoomiyaha Shirkadda BPS Mr. Cawil Nuur Cabdillaahi oo war-saxaafadeed ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu sheegay in nidaam baalmarsan sharciga dalka u yaal loo bixiyey warshadda Laydhka Berbera, isagoo xusay in arrintaasi keenayso tayo-xumo ku timaada laydhka magaaladaasi oo ah mid xeeb ku taal.
War-saxaafadeedkaasi oo uu kaga warramay gurmad hore shirkadoodu ugu gashay laydhka Berbera iyo baaq uu u diray xukuumadda, waxa uu u qornaa sidan:-
“Waxaan wallaac ka qabaa tallaabada Xukuumadda ugu gacangelinayso wershadda Laydhka ee Berbera shirkad si gaar ah loo leeyahay maamusha wershaddaa.
Qaabka loo bixiyay maaha mid waafaqsan qaannuunka tartanka xalaasha ah iyo baahi loo eegay duuruufta Magaalada Berbera oo laydhkeedu ka duwanyahay magaalooyinka kale ee Somaliland, maadaama ay tahay magaalo-xeebeed.
Tartanka xalaasha ahi wuxuu keenayaa in shacabka reer Berbera helo laydhka ugu jaban, uguna tayada wanaagsan, laakiin go’aanka cid loo gaar yeelaa wuxuu majara-habaabiyaa hagaajinta iyo fayoobaanta danta shacabka.

Shirkaddayda Berbera Power Service (BPS) waa shirkaddii u gurmatay Berbera markii duruuf laydh la’aaneed soo foodsaartay sannadkii 2012, waqtigaas oo aannu degdeg u keenay laba mashiin oo waaweyn, iyadoo muddo laba sanno ah aannu si hafto ku qaadanaynay lacagtaas aannu sii bixinay, annagoo shacabka reer Berbera u danaynayna, mashiinnadaas oo ah kuwa ilaa hadda Berbera u baxa, lacagtoodiina aanu ilaa imika wax ku sii leenahay xukuumadda.
Waxa fajacsio nagu noqotay go’aanka degdeg ah ee cid loogu gaar yeelayo gacan-ku-haynta iyo maamulka wershadda laydhka ee Berbera,xukuumadda Somaliland-na, waxaan u soo jeedinaynaa in tartan xalaala la qabto oo loo dhanyahay.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.co

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post