Araweelo News Network

Dahabshiil MallHargeysa (ANN) 35 xubnood oo ah wakiillada iyo shaqaalaha Bangiga caalamiga ah ee Dahabshiil Bank oo isaga kala yimi Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa tababar aqooneed loogu soo xidhay magaalada Hargeysa, kaasi oo ay bixinaysay hay’ad lagu magacaabo Al-Macaadi Consultenty Farm oo fadhigeedu yahay magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta.
Tababarkan oo muddo saddex maalmood ah ka socday Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, laguna barayey wakiillada iyo shaqaalaha ka qaybgalayye adeegyada maamul iyo shaqo ee Bangiga Islaamiga ah ku shaqeeyaan, iyadoo ay bixinayeen macalimiin iyo khubaro ka socday Shirkadda Al-Macaadi Consultenty Farm. Waxaanna xidhitaankii tababarkaasi ka qaybgalay masuuliyiin ka socday qaybgaha Bangiga Dahabshiil.
Madaxa Maalgelinta Baanka Dahabshiil International Cabdixakiim Maxamed Ismaaciil oo hadal ka jeediyey halkaasi, ayaa ka warramay muhiimada tababarkani u leeyahay shaqaalaha iyo Bangigoogaba, waxaannu yidhi, “Tababarka shaqaalaha ee hawlaha bangiyada guud ahaan oo kor loogu qaadayey aqoonta iyo tayada shaqaalaha , sidoo kalena lagu kobcinaayey adeegga Baanku u fidiyo macaamiishiisa, wuxuu ahaa tababar caalami ah, waayo waxa bixineysay Shirkadda loo yaqaano Shirkatul Al-Micaadi AL-Maaliyin Islaamiya ee (Al-Macaadi Consultenty Farm) oo ah shirkad caalami ah oo bixisa tababarrada hawlaha Maaliyadda iyo Bangiyada, waana shirkad ka jirta dalka Imaaraadka Carabta.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in aannu tababarkani ahayn mid la isku xog-waraysanayey, balse uu mid aqoon iyo khibrad la xidhiidha maamulka bangiyada adduunka ka jira lagu barayey 35 xubnood ee ka qaybgalayey oo madax-waaxeedyo ka ah qaybaha Bangiga ee Somaliland, Soomaaliya iyo Puntland.
Sidoo kale, Wakiilka Bangiga Dahabshiil ee magaalada Muqdisho Cabdillaahi Nuur oo ku hadlayey afka shaqaalaha Bangiga ka socday Soomaaliya, ayaa sheegay inay ka faa’iidaysteen tababarkan oo ay ka koradhsadeen aqoon badan, “Tababarkan waxa ka muuqata in laga faa’iidaystay oo nin waliba meel ka dareemayey oo wax badan oo aynu u baahnayn waa la helay, waxyaabo badan oo dhib badan ku hayey shaqaalaha runtii markii su’aalihii tababarka la isku waydiiyey waxaan filayaa in laga bogtay. Nidaamkan Bangiga Islaamiga ahi waa wax dunida ku cusub oo waqti aad u dhaw bilowday, maadaama oo ay sidaa tahay waxaan filayaa inay wax badani soo kordheen,” ayuu yidhi Cabdillaahi Nuur.
Dr. Ismaaciil Aadan Iidle iyo Dr. Caadif Al-Shindraawi oo labaduba ah khubaro ka tirsan shirkadda Al-Macaad Consultenty Farm, isla markaana macallimiin ka ahaa tababarka la siinayey wakiillada iyo shaqaalaha Baanka Dahabshiil, ayaa si wayn ugu mahadceliyey ka qaybgalayaasha tababarkaasi iyo shirkadda Dahabshiil, waxa kaloo ay ka warrameen shirkadooda oo ay sheegeen inay tahay ta ugu wayn ee bixisa adeegyadan gobolka.
“Shirkadayadani waxay tababar sii saa baananka waaweyn ee ku yaal Imaaraadka ee ay ka mid yihiin Dubia Islamic Bank, si la mid ah waxaanu tababaro siinaa bangiyo badan oo dunida ka mid ah, xafiiskayaga ugu weynina waa Dubia ayuu ku yaala, marka shirkaddu adeegyada ay bixisa waa la-talin iyo tababarid.” Sidaa waxa yidhi Dr. Ismaaciil Aadan Iidle.
Maamulaha guud ee Baanka Dahabshiil Mr. Maxamed Socood Cawaale, ayaa bogaadiyey shaqaalaha tababarka qaatay iyo muhiimada culuunta ay ka barteenba, waxaannu yidhi, “Waan ku faraxsanahay tababarkan muhiimka ah oo aan arkay midhaha ka soo baxay dhawr qof oo ilaa lix ama shan qof ayaan wax ka waydiiyey oo qof waliba wuxuu iigu sheegay in aannu tababar kan oo kale ahi hore inoo soo marin oo tababar caalami ah oo heersare ah ayuu ahaa, mana aha tababarkii ugu horreeyey ee noocan ah ee kuwo kale oo badan ayaa jiray, qaar dambe oo badana waynu qaadan doonaa, laakiin sifaha tababarkani wuu ka duwan yahay kuweenii hore.”
Xubno kala ah; Cabdiqani Cabdillaahi Guuleed, Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Hodan oo saddexdooduba ka mid ahaa hawladeenada wakiillada iyo shaqaalaha Baanka Dahabshiil ee Somaliland , Putland iyo Soomaaliya, ayaa iyaguna ka mahadceliyey tababarkan ay qaateen, aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka heleen, waxaanay ballanqaadeen in wixii ay ka korodhsadeen ay kula noqon doonaan goobihii ay ka shaqeynaayeen oo wixii talo iyo tusaale la siiyey ay ugu adeegi doonaan bulshada macaamiishooda ee Dahabshiil Bank.
Ugu dambayn, Maamulaha Bangiga Dahabshiil Maxamed Siciid Cawaale waxa uu halkaas mid mid ugu guddoonsiiyey hawlwadeennada iyo shaqaalaha Baanka Dabashiil ee tababarka qaatay shahaado ka turjumaysa aqoonta ay barteen.