X
    Categories: Warar

Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay Ee Somalia Muxuu Ka Yidhi Dhismaha Xubnaha Doorashooyinka Somalia Ee Baarlamanku Ansixiyay

Muqdisho(ANN)Ergayg khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somalia, Sir. Nicholas Kay, ayaa ka hadlay xubnaha doorashooyinka la filayo inay Somalia ka qabsoomaan 2016, oo Baarlamaanka Somalia ansixiyay maanta.

Sagaal Xubnood oo loo magcaabay inay maamulaan doorashooyinka loo qorsheeyay Somalia ee mala awaalka ah, ayaa Baarlamaanka Somalia ku meel mariyeen cod, waxaana arrintaa ka hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, isla markaana ah ergayga khaaska ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay.

Sir. Nicholas Kay, wuxuu arrintaa kaga hadlay qoraal kasoo baxay Xafiiska UNISOM Somalia, wuuxuna soo dhoweeyay ansaxinta uu baarlamaanka Federaalka ansixiyay, sagaalka xubnood ee Guddiga Maddax Banaan ee Dooroshooyinka Qaranka.

Qoraalka Sir. Nicholas kaga hadlay arrintaa ayaa u dhignaa sidan:-

“Magacaabista Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka waaa guul aad muhiim u hah (kuna qotonta) ujeedooyinkii lagu gaari lahaa Nabada iyo Qaran dhisiduba- Ujeedooyinkaas oo ku qorn barnaamijka Hiigsiga Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah. “Baarlamaanka Federaalka wuxuu ka ciyaaray door muhiim ah sidii Lagu dhisi lahaa Guddiga Maddax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka taas oo waafaqsan Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah. Waxaan si dhakhso leh ooga dhursugaynaa in Guddigani si dhakhso leh loo dhiso, korna loogu qaado awoodiisa waxqabad, sida dhisidda Xoghayta guddiga.”

Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed sidii gudigan loogu suurta gelin lahaa in uu howshiisa u bilaabo si dhakhso ah.

DHAMAAD

Get updates from UNSOM:

www.unsom.unmissions.org

@UNSomalia

facebook.com/UNSomalia

flickr.com/photos/unsom

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post