X
    Categories: Warar

Wakiilka Somaliland ee Faransiiska oo ka Qaybgalay Shirweynaha ka Faa’iidaysiga Khayraadka Baddaha

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Wakiilka Somaliland u jooga dalka Faransiiska Ambassador Cali Ismaaciil, ayaa ka qaybgalay shir lagaga hadlay sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka dabiiciga ah ee baddaha.
Shirkan oo ka qabsoomay dalka Faransiiska, waxa ka qaybgalay xubno gaadhaya 1,800 (kun iyo sideed boqol) oo qof, kana kala socday dalalka dunida, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen shirkadaha daneeya maalgashiga iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda, iyadoo muddo laba maalmood ah oo shirku socday lagu falanqeeyey sidii dunidu u maalgalin lahayd kheyraadka dihin ee baddaha, loona sameyn laha suuqa ugu weyn ee dhinac kalluumka.
Waxa markii ugu horaysay si rasmi ah loogu marti qaaday Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska Ambassador Cali Ismaaciil, kaasoo shirka ka jeediyey khudbad la xiidhiidhka dalka Somaliland, taariikhda soo jireenka ah ah dhinaca nabadgalyada, hannaanka doorashooyinka.

Waxa kaloo uu tilmaamay in dalka Somaliland ku yaal mandaqada Geeska Afrika oo ay colaado badan hadheeyeen, isla markaana uu leeyahay xeeb aad u dheer oo gaadhaysa ilaa 850km, taasoo u baahan maalgelin caalami ah, gaar ahaan khayraadka dhinaca kalluumaysiga.
Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska, ayaa sidoo kale ka xog-waramay mandaqada istaraatiijiga ah ee ay ku taal Somaliland oo ah gacanka Caddan ee ay isticmaalaan gaadiidka ugu badan ee dhinaca badda, isagoo xusay in goobta muhiimka ah ee dalku ku yaal ay faa’iido u tahay sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka ku duugan badda.
Waxa kaloo uu tilmaamay in shirkado badan oo ka socday dalalka Yurub, Waqooyiga Ameerika, Aasiya iyo Afrika ay macluumaad ka heleen khayraadka badda Somaliland, isagoo xusay in shirka noocan oo kale ee la qaban doono sannadka dambe haddii Ilaahay yidhaah ay ahmiyad siin doonaan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland.
Shirka lagaga hadlay ka faa’iidaysiga khayraadka badda oo ah sannadkiiba mar la qabto, waxa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Faransiiska Mr. Francis Hollande, kaasoo jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan khusaysay, isagoo shirkadaha dalkiisa ku dhiirigeliyey sidii ay maalgashi ugu samayn lahaayeen khayraadka baddaha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post