X
    Categories: Warar

Wakiilka Qaramada Midboobay Oo Kulan Albaabada Loo Xidhay La Yeeshay Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan saacdo qaatay kula yeeshay wefdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador James Swan oo booqasho ku yimi dalka.

Kulanaka oo saxaafadu dibedda ka joogtay, waxa markii uu soo dhammaaday warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha lagaga hadlay kulanka.

“Waxyaabo badan baa kulanka lagaga wada hadlay, arrimo badan baa la isla soo qaaday oo ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen, arrimaha ugu muhiimsanna waxa kamid ah waxa ay Somaliland u gudbisay wakiilka inuu xoghayaha guud ka gaadhsiiyo farriimo ay kamid yihiin in muddo Soddon sanno ah ay Somaliland hanatay oo ka shaqaysay qaddiyaddeeda iyo madax-bannaanideeda oo ay danaheeda dhammaamtood iyadu gacanta ku hayso, haddii ay tahay dhulkeeda, baddeeda, hawadeeda iyo maamulkeedaba, mid walbana ay ku guulaysatay inay ka shaqayso nabaddiisa iyo xasiloonidiisa.”

“Waxa kale oo aanu wakiilka ka codsannay inuu farriin ahaan u gudbiyo xoghayaha qaramada midoobay in saluug weyni nagaga jiro waxtarka, dhaqaalaha iyo deeqaha laga helo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo dalalka kale ee caalamka ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ku jira, haddii ay tahay dhinaca  dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo caawinta iyo arrimaha ay bulshadu u baahan tahay ee waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha uu mid walba saluug badani nagaga jiro waxtarka caalamka,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay inay ergayga u xaqiijiyeen inay Somaliland ka gudubtay dhammaanba wixii khilaaf ahaa, islamarkaana ay ka dhammaysatay wixii khilaaf ahaa ee dhexdeeda ka jirey, isaga oo madaxweynuhu u sheegay wakiillka inay Somaliland diyaar u tahay inay la garnaqsato Soomaaliya oo kala dooddo arrimaha masiiriga ah.

Dhinaciisa,  wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ambassador James Swan oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay, waxa uu caddeeyey inay qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan hawlaha shaqo iyo mashaariicda  ay ka wadaan gudaha Somaliland, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland uga mahadnaqayaan sida habsamida leh ee ay u wada shaqeeyaan.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta maaliyadda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post