Araweelo News Network

Nairibi(ANN)-Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mr. Francisco Caetano Jose Madeira ayaa sheegay in toban sanadood kadib ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya aanay weli xaqiijin hadafkooda, islamarkaana ay qirayaan in aan laga adkaan Xarakada Al Shabaab.

Mr. Caetano Jose oo ka hadlayay xaflad ka dhacday deegaan dhaca duleedka magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Wuxuu si qota dheer u calaamadeeyay waxyaabaha dhiciseeyay dedaalkooda sidii nabad loogu dhigi lahaa Soomaaliya ee Al-Shabaab loogu guulaysan lahaa.

Wuxuu sheegay in AMISOM aanay ku guuleysan ujeedkoodii ay Soomaaliya u timi,isagoo Yidhi, “weerarada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab kuma guuleysan hadafyada laga leeyahay ee ah in uu Soomaaliya u horseedo xasilooni waarta”

Midowga Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee loo carbiyay la dagaalanka xarakada Al Shabaab aanay wax awood ah laheyn taasi bedelkeedna ay ilaalin ka sugayaan ciidamada AMISOM “Ciidamaddayadu marna waxay la dagaallamayaan Al-Shabaab mar kalane waxay ilaalinayaan madaxda dowladda Somalia, ciidamadii dowladda ee loogu talagalay in ay Shabaab la dagaallamaan annaga ayay ilaalo naga sugayaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Taliska AMISOM ayaa sheegay in ay jirto awood daro haysata maamullada dowlada Federaalka ee kajira magaalooyinkii cadawgu qabsaday halkaasi oo aanay sida uu sheegay kajirin maamul sal adag oo dadka soo jiidan kara.

Francisco Caetano Madeira ayaa Q.Midoobe ka codsaday in ciidamo dheeraad ah ay usoo dirto dalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan hoggaanka cusub ee dhawaan loo doortay dowladda Federaalka isagoo ka dardaar wariyay mustabalka ciidankooda Soomaaliya jooga.

AMISOM waxay si cad u sheegtay in ciidamadoodu aanay sii wadi Karin hawlgalada Soomaaliya, waxayna dowladda Federaalka ugu baaqday in ay dhisto ciidan awood leh oo la wareega ammaanka magaalooyinka oo ay iskaga bixi doonaan ciidamada AMISOM.

“Waxaa la joogaa waqtigii aan caddeyn lahayn in AMISOM aanay weligood joogi doonin Soomaaliya” ayuu yidhi.

Dhinaca kale hadalkan ayaa kusoo beegmay,iyadoo

Madaxweynaha cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo hore u sheegay in maamulkiisu uu kusii tiirsanaan doono ciidamada shisheeye inta ay ka dhisanayaan ciidan tayo leh.