X
    Categories: Warar

Wakiilka Dawlada Maraykanka Ee Arrimaha Soomalida Oo Kulan La Yeeshay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Ujeedada Safarkiisa Xiligan

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminaayo Wakiilka Dawlada Maraykanka u fadhiya Kenya, isla markaan ah ergayga u qaabilsan Maraykanka Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Brain H. Phipps.

Kulankaa oo ay Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Maaliyada, wasiirka Gaashaandhiga, wasiirka waxbarashadda, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda iyo Xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha, ayaa ahaa mid albaabada loo xidhay oo aanay saxaafadu goob ka ahayn, balse markii uu dhamaaday, waxa wadajir warbaahinta ula hadlay Wasiirka Madaxtooyada iyo Wakiilka weftiga hogaaminayey Ambassador Brain H. Phipps.

Halkan Ka Dhegayso hadalka labada Masuul Riix.


Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post