X
    Categories: Warar

Waddooyinka Muqdisho Oo Laga Mamnuucay Gaadiidka Iyo Al-shabaaab Oo Khaarajiyay Nabadoonkii Saddexaad Odayaashii Soo Xulay Baarlamaanka

Araweelo News Network

Muuqaalka mid ka mid ah Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo haawanaya

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in muddo laba maalmood ah xayiraad lagu soo rogay isu socodka gaadiidka, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Sidaana waxa warbaahinta u sheegay Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir Ismaaciil Cabdi Guure oo shir Jaraa’id oo ku qabtay maanta Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Maalmaha Salaasada iyo Arbacada ay xidhnaan doonaan waddooyinka caasimadda ee muhiimka ah.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir Ismaaciil Cabdi Guure, ayaa sabab uga dhigay arrinta waddooyinka la xidhay sababo dhinaca Ammaanka ah oo la xidhiidha munaasibada lagu caleema- saarayo Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Labada Maalmood oo ay xidhnaan doonaan waddooyinka Muqdisho ammaanka ayaa la sugayaa sababtoo ah madax caalami ah ayaa kasoo qeyb gelaysa caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxayna xidhnaantawaddooyinku ka bilaabmaysaa 5:00 galanimo ee Maanta oo Salaasa ah ilaa Arbacada ” sidaas waxaa yidhii guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlayay.
Waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu daadiyay ciidamadda AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka, iyadoo goobaha durba ciidamadda lagu daadiyay wadadda Makka Al-mukarrama oo ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Al-shabaab oo weerraro qorshaaysan iyo qaraxyo ka wada Magaalada Muqdisho, ayaa ugaadhsanaya Odayaashii Madax-dhaqameedka ee soo xulay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo weerrarkii sadexaad oo qorshaysan ku khaarajiyay labadii caanamaal ee u danbeeyay saddex ka mid ah Odayaasha. Kadib weerraerkii saddexaad oo maanta lagu khaarajiyay Nabadoon Cabdi Cali Cumar oo koox dablay hubaysani ku dileen Xamar Jajab, wuxuuna Odayga la dilay ka mid ahaa Odayaashii soo xulay xubnihii Baarlamaanka uga qaybgalay maamul goboleedka Koonfur galbeed ee gobollada Baay iyo Bakool.

Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay ugaadhsanayaan Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya, waana Odaygii sadexaad oo ay weerrar qorshaysan la beegsadaan labadii maamlood ee u danbeeyay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post