X
    Categories: Warar

WADDANI oo Sababeeyey Dib-u-dhac ku Yimmi Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa shaaca ka qaaday in dib-u-dhac ku yimmi waqtigii hore loogu qoondeeyey qabsoomidda shirka golaha dhexe ee xisbigaas oo ku beegnayd 1-da bisha October 2016.
Xoghayaha Guud ee WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray shalay ku caddeeyey in muddo 9 maalmood ah dib looga dhigay waqtigii hore loogu muddeeyey shirka golaha dhexe ee xisbiga, isagoo soo bandhigay sababaha dib-u-dhacaas keenay.
“Iyada oo Guddiga Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI hore u iclaamiyey in shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI qabsoomayo 1 ilaa 2 October ee sannadkan 2016.
Waxa lagu wargelinayaa dhammaan laamaha dibedda, gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan xubnaha Golaha Ghexe ee Xisbiga WADDANI in arrimo farsamo awgeed dib loogu dhigay qabshada shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI 10 ilaa 11, October 2016,” ayuu Mr. Uurcadde ku yidhi warsaxaafadeedka.
Hase ahaatee, ma caddayn nooca arrimaha farsamo ee keenay dib-u-dhaca ku yimi xilligii uu u muddaysnaa qabsoodda shirka golaha dhexe ee xisbiga WADDANI.
Shirka Golaha Dhexe ee WADDANI ee maalmaha dib uga dhacay waqtigii qabashadiisa waxa lagu dooran doonaa murrashaxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbigaas uga qaybgeli doona doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee la filayo inay qabsoonto bisha March ee sannadka 2017, haddii Ilaahay yidhaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post