X
    Categories: Warar

‘Waa in Sharcigu Noqdo Mid Wax Kasta ka Sareeya oo aannu Ninna ka Madax-taagin’ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegay inay waajib tahay in sharcigu noqdo mid ka sareeya wax kasta, isla markaana qofku hoos yimaado sharciga masuuliyad kasta oo uu qaran u hayo.
Md. Xasan Axmed Aadan oo hadal ka jeediyey xaflad abaalmarino lagu siiyey xubnaha ka qaybqaatay dib-u-habaybta lagu hayo garsoorka Somaliland maalintii Arbacada ee toddobaadkan, waxa uu yidhi; “Waayo badan ayeynu soo marnay, waxaanna la doonayaa ku dhaqanka sharcigu (rule of Law) halka uu maanta joogo in sare looga qaado, annaguna haddii aannu nahay Xeer-ilaalinta halka aannu taaganahay waxa weeye in sharcigu noqdo mid wax kasta ka sareeya oo aannu ninna ka madaxtaagin, masuuliyad kasta oo uu qaranka u hayana waa inoo hoos yimaad sharciga.”
Waxa kaloo uu ka hadlay dadka madax-dhaqameedka ah ee saxaafadda mariya fariimo hanjabaad ah oo ay ku dalbanayaan in si degdeg ah loo sii daayo qof u xidhan sharciga iyo garsoorka, isagoo xusay inay muhiim tahay in dadka noocaas u hadla laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.
“Waxa aannu aad uga naxnaa marka aannu telefiishannada ka aragno suldaan amma caaqil doobinaya oo farta taagaya uu leeyahay ‘waa in 24 saacood gudahood ha lagu soo daayo ninkaasi.’ Markaa ta aannu ka dagaalamayno ee garsoorka u dhisanayey waa saraynta sharciga, kaasoo u baahan in suldaanka amma caaqilka farta taagaya inta la soo xidho la horgeeyo garsoorka, taas ayaa la doonayaa in annaga iyo qooliyinka fulinta ee Booliska iyo Asluubtu ka mid yihiin aannu si dhiiran inta aannu u soo qabano uu sharcigu noqdo wax cid walba ka sareeya oo aannu sharcigu noqon mid la jiidjiido oo laga galo wada-xaajood iyo iyo wadahadal marka ay tahay arrimaha madaniga ah mooyaane,” ayuu yidhi Xasan Axmed Aadan.
Waxaannu intaas ku daray; “Arrimaha ciqaabtu waa inay noqdaan wax sareeya oo lagu dedaalo in qofku dhadhamiyo sharciga oo arko sarayntiisa iyo in dawladnimo jirto oo aannu qofku marna ka fakan karayn awood dawladeed, taas ayaana ah haybadda qaranka, xukuumadda iyo Golayaasha Qaranka, taas ayaana lagu heli karayaa saraynta iyo ku dhaqanka sharciga, haddii kale waxaasi way innaga dabcayaan.”
“Garsoorku waa waax ka mid ah qaranka Somaliland, hawl weyn ayeyna u hayaan ummadda, garsoor kastaaba wuxuu ku lammaan yahay sharafta qarankiisa, markaa waxa qarankaasi noqon karaa mid adag marka garsoorka dalku yahay mid adag o caddaaladda, nidaamka iyo isku xidhnaantood ay aad u fiican tahay,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post