Araweelo News Network

kulankaxaruntabarlamankayurubBrussels (ANN) Kulan lagaga hadlayey sidii qaddiyadda madaxbannaanida Qaranimada Jamhuuriaydda Somaliland loogu soo jeedin lahaa indhaha beesha caalamka oo ka socday xarunta Baarlamanka Yurub, ayaa laga soo jeediyey in kiiska Somaliland loo gudbiyo Maxkamadda Caddaaladda Caalamka.
Kulankan oo lagu soo gunnaanaday xarunta Baarlamanka Yurub Arbacadii toddobaadkan oo uu shirguddoominayey Afhayeenka xisbiyada Asal-raaca Isbeddel-doonka ah ee Baarlamanka Yurub xildhibaan Nirj Deva, kana qaybgaleen aqoonyahanno caan ah oo qaarkood magacyadoodu ka mid yihiin; Charless Tannock iyo James Carver iyo Kaaliyihii hore ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Sir Desmond de Silva iyo weliba Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, lagu falanqeeyey qodobada siyaasadeed iyo sharci ee maraga u aqoonsiga madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland xaqa u leedahay.
War-murtiyeed laga soo saaray kulankaasi iyo nuxurka doodihii madaxda ka qaybgashay ka jeedisay, ayaa lagu sheegay in Somaliland tahay dal buuxiyey shuruudaha waddan leeyahay, isla markaana hirgelisay hannaanka dawlad-wadaag iyo hab dimuqraadiyad guulaysatay ah, balse beesha caalamka ka waayey xuquuqdii uu ku lahaa ee aqoonsi.
Xildhibaan Nirj Deva oo Baarlamanka Yurub looga soo doortay Koonfur/bari ee Ingiriiska (England), ayaa si wayn ugu canaantay beesha caalamka sida ay iskaga indho-tirayaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Somaliland oo uu ku tilmaamay dal yar oo dhibaato badan kadib ku guulaystay inuu dhiso bulsho xor iyo dimuqraadi ah.
“Sidee baynu u xusnaa hal mar qiimaha Somaliland oo ah dal leh xaqiiq shaqaynaysa oo madaxbannaanaa in ka badan 25 sanno, waa jasiirad xasilloon (nabad) oo ku dhex taala mid ka mid ah gobollada ugu dhibaatada badan adduunka, haddaba, marka uu maalin yimaado dareen ficil lagu sameeyo, Midowga Yurub ma helayaan meel kale (aan ka ahayn Somaliland?” ayuu yidhi Md. Nirj Deva.
Waxa kaloo xildhibaanku ku baaqay in laga ansixiyo Baarlamanka Yurub qaraar ogolaanaya in aqoonsiga Somaliland loo gudbiyo Maxkamadda Caddaaladda Caalamkam, waxaannu yidhi, “Waa inay innaga go’naato in Baarlamaanka Yurub laga ansixiyo qaraar soo jeediya dareenka beesha caalamka, soona jeedinaya in in kiiska Somaliland loo gudbiyo Maxkamadda Caddaaladda Caalamka. Ma sugi karno inta Komishanka Yurub tallaabo qaadayo, waa inay noqoto masuuliyaddeenna in aynu soo afjarno caqabadan xun ee hortaala dal madaxbannaan oo bilaa aqoonsi ah, arrintan waa la xalliyaa oo loo maraa sharciga ee aan lagu xallin siyaasad.”
Sidoo kale, Sir Desmond De Silva QC oo ah nin caan ku ah u doodista xuquuqda aadamaha caalamiga ah, ayaa ka sheegay shirka in shacabka Somaliland dhibbane u yihiin dambiyo aanay gaysan oo qayb ka ah dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ee isugu jira budhcad-badeedka, xagjirnimada iyo dambiyada kale ee ay ku kasbatay cuno-qabatayno caalami ah.
“Meeday caddaaladii? Kani waa dal (Somaliland) buuxiyey dhammaan shuruudihii dawlad-wanaagga. Haddii aynu tallaabo qaadi wayno iminka waxaynu khatar ugu jirnaa in aynu u ogolaano dal kale oo Afrikaan ah inuu ku siibto dal saaqiday ama guuldarraystay,” ayuu yidhi Sir Desmond.
Dhinaca kale, Wasiirka Khaarajiga Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna warbixin la xidhiidha taariikhda Somaliland iyo sidii lagu aasaasay ka jeediyey shirka, ayaa uga mahadceliyey xildhibaannada iyo aqoonyahanka reer Yurub ee ka qaybgalay taageerada ay u muujiyeen qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo inay hesho aqoonsi buuxa.
Xildhibaannada ka qaybgalay shirka ka qabsoomay xarunta Midowga Yurub Arbacadii waxay ka kala socdeen xisbiyada Asal-raaca Isbeddeldoonka ee waddamada UK, Poland, Germany, Gobolka Waqooyi ee Belgium (Flander), Denmark, Czech, Holland, Finland, iyo Latvia.